4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Ra’iisul Waasaraha Somalia iyo wafdigii uu Hoggaaminayay oo xalay gaaray Magaalada Sanca ee Dalka Yemen (SAWIRRO)


Isniin, September 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo dhawaanahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa xalay gaaray magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen, halkasoo ay uga billaabanayso booqasho dhowr maalmood ah.

Wafdigan ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiirka difaaca, wasiir u dowlaha arrimaha dibadda iyo wasiir ku xigeenno ayaa waxaa lagu wadaa in inta ay ku sugan yihiin Yemen ay la kulmaan madaxda dalkaas ayna kala hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

Booqashadan ayaa waxay timid kaddib markii ra’iisul wasaaruhu uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Yemen, isagoo lagu wado inuu booqdo inta uu ku sugan yahay Yemen xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah ee dalkaas ku sugan.

Dalka Yemen oo ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ood-wadaagta yihiin ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo qaarkood halkaas qoxooti ku ah, halka kuwo kalena ay u joogaan shaqooyin iyo waxbarasho.

Safarrada uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo dalalka dariska la ah Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid ay dowladda Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka dariska ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u soo maray dalka Sucuudi Carabiya Arabia oo ka mid ah dalalka Carabta, halkaasoo uu heshiis kula soo saxiixday bankiga Islaamka oo mashaariic horumarineed ka fulinaya Somalia.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya