4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2013
Guddiga dhismaha Masjidka Jaamaca Degmada Baardheere oo codsaday in laga qeyb-qaato dhismaha Masaajidkaas


Isniin, September 09, 2013(HOL) :- Todobaadyadii ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jir oo dib u dhis loogu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay,iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin iyo dib u habeyn.

Shariif Maxamed Nuur oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Jaamaca ee Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey, isagoona sheegay dhismaha Masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $285,000,oo Dolar,waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 50% in la yaboohay,halka inta dhimana ay ka sugayaan Qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW)uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

Si waxii aad sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Accounts ka lacagta sadaqada la dhigayo oo ah Dahabshiil Account No.MUQD0009555 ama Email [email protected].

FG:waxii kale oo faahfaain dheeri ah la xariir telefonada Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga dib u dhiska Masjidka Jaamaca Baardheere oo kala ah.

1 -Shariif Maxamed Nuur             +25261-5843440

2-Maxamed Aden C/lle                +252615882491

3- Cali Max,ed khaliif(Cali daqare) +25261-5576221

4- Aden Xasan Cilmi                     +25261-5812950

5- Sheekh Shukri xuseen               +25261-5858174

6-Sh.Ibraahin Sh.Mursal              +25261-5853967

7-C/risaaq Xaaji Cambe                +25261-5853765

8-C/laahi Seylaci Sh.C/risaaq.        +25261-5811666

9-Faarax Hire Guhaad                   +25261-5863897



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya