4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo caawa ku sugan Baladweyne iyo Amniga oo la adkeeyay


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay caawa ku hoyan doonaan.

Wafdiga madaxweynaha oo isugu jira, wasiirro, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada iyo xubno ka tirsan madaxtooyada ayaa inta Baladweyne ay joogaan waxay la kulmi doonaan qaybaha bulshada iyo maamulka gobolka.

Ammaanka guud ee Baladweyne ayaa caawa si weyn loo adkeeyay waxaana sugiddiisa ka qeyb qaadanaya ciidamada maamulka iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya