4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo dhagax-dhigay Rugta buugaagta Hargeysa & Dhismaha Wasaaradda Boostada (SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta dhagax dhigay laba dhismo oo kala duwan oo loo kala dhisayo wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta iyo xarun loo dhisayo maktabadda akhriska buugaagta ee Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka Isgaadhsiinta, wasiirka Waxbarashadda iyo wasiirka Arrimaha gudaha ayaa maanta dhagax dhigay dhisme loo samaynayo wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Rugta Buugaagta ee heer qaran (Somaliland National Library) oo ay yeelan doonto magaaladda Hargeysa.

Rugtan Buugaagta iyo akhriska loo dhisayey, ayaa waxa gacan weyn ka geystay  dhalinyaro qurbojoog ah, kuwaas oomudadooyinkii u dambeeyey u qaadhaan ururinayey hirgalinta Library, waxaanu madaxweynuhu balanqaaday inay miisaaniyadda lagu dari doono kharashka ku baxaya xaruntan oo baahi weyn u qabaan ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ku jira.

“Maanta waxaynu joognaa dhulkan oo uu madaxweynuhu bixiyey kaas oo loogu tallo galay in laga dhigo rugta buugaagta ee qaranka, taas oo laga bilaabi doono magaalada Hargeysa iyada oo loo gudbi doono gobolada kale ee dalka”ayey tidhi wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay rugta buugaagta Qaranka ee magaalada Hargeysa laga hirgalin doonno.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna sheegay inuu taageeri doono, isla markaana miisaaniyadda sanadkan loogu dari doono kharashaadka ku bixi doonna Maktabadan Buugaagta oo xarunteedda weyni noqon doonto magaaladda Hargeysa.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan dhagax dhigo xarunta buugaagta ee heer qaran, taas  oo wax weyn ka tari doonta taariikhda wadanka iyo umadaba, waxaanan aad ugu bogaadinayaa wasaarada waxbarashada iyo wasaaradaha kale ee gacanta ka gaystay hawshan, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid ummadda iyo dalkaba wax u tara”ayuu yidhi madaxweynuhu oo ka hadlayey dhagax dhigii dhismahaasi, waxaanu intaas ku daray “Anaguna wax aanu kala hadhaynaa ma jiro wixii aanu ugu dari karno miisaaniyada qarankana waanu ugu daraynaa, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid dadka iyo dalkaba wax u tara”

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay wasiiraddii ka qaybqaatay hirgalinta maktabadan buugaagta, tas oo noqon doonta mid ay dawladdu maamusho, isla markaana ay dhalinyaradu ka faa’iidaysan doonaan.

Dhinca kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay dhisme balaadhan oo loo samayn doono wasaaradda Boosaha  iyo Isgaadhsiinta, isagoo sheegay inay wasaaradani qayb ka qaadan doono horumarinta dalka iyo cashuur ururinta.






Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland