4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta si rasmi ah u joojisay Canshuurihii laga qaadi jiray Shacabka Gobolka Shabeellada Hoose

Axad, September 08, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya ayaa maanta joojisay canshuuro laga qaadi jiray gobolka Shabeellada hoose, kaddib markii uu muran maamulka gobolkaas soo dhexgalay iyo caqabado dhinaca ammaanka ah oo ka taagan halkaas.

Tan iyo markii uu murankan soo dhexgalay maamulka gobolka ayaa waxay wasaaradda arrimaha gudaha ku howlanayd sidii ay u xallin lahayd khilaafka oo gaaray meel sare, iyadoo taasi ay keentay in maanta si rasmi ah looga joojiyay gobolkaas canshuurtii laga qaadi jiray

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxay amar ku bixisay inaan wax canshuur ah laga qaadi karin degmooyinka gobolka Shabeellada hoose ee ay dowladdu gacanta ku hayso, inta laga hirgelinayo qorshe dib loogu hagaajinayo canshuuraha,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan wafdiga wasaaradda oo degmada Marko ku sugan.

Degmooyinka canshuur joojinta laga sameyay waxaa ka mid ah magaalada Marka ee xaruunta gobolkaas iyo degmooyinka Jannaale, Afgooye iyo kuwo kale oo gobolkaas ka tirsan oo ay ka jiraan maamullada dowliga ah kaddib markii halkaasi ay gaareen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Guddoomiyaha Marko, Maxamed Cismaan Yariisow oo mas’uuliyiinta hadal siinayay ayaa sheegay inuu u hogaansamayo amarka wasaarada arrimaha gudaha kasoo baxay, wixii maanta ka dambeeyana aan canshuur la qaadi doonin.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Afgooye, C/llaahi Maxamed Iidey ayaa sheegey inay aqbaleen go’aanka dowladda oo aan wax canshuur aan laga qaadi doonin dadka ku nool degmada oo ka mid ah degmoyinka ugu wax-soo-saarka badan gobolka Shabeellada Hoose.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Cali Abtidoon Xalane oo hoggaamiyaha wafdiga wasaaradda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa isaguna sheegay in in go’aankan uu yahay mid ay wasaaraddi si toos ah u soo saartay oo aanu ahayn mid ay iyagu gaareen.

Gobolka Shabeelada Hoose oo ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan dalka ayaa degmooyin iyo deegaanno ka mid ah ka jira maamullo KMG oo si toos ah u hoos-yimaada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in dhexdooda ay kasoo xushaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd, halka maamulka hadda ka taliya uu yahay mid ay dowladdu u magacowday markii lagala wareegay Al-shabaab.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu madaxweynaha Somalia , Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ay degmada Marko ee xarunta gobolkaas ku tageen safar laba maalmood qaatay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya