4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Wariyeyaashii ku dhaawacmay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho oo lacag la guddoonsiiyay


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Laba wariye oo shalay ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaraxii ismiidaminta ahaa ee shalay ka dhacay guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la guddoonsiiyay lacago.

Wariyeyaashan oo kala ahaa: Maxamed Xasan Cali iyo Shuceyb Cawil Daahir ayaa waxaa lacagta guddoonsiiyay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Geeska iyo Bariga Afrika ee uu madaxda ka yahay Xasan Shire Sheekh oo maalmahan howlo shaqo u joogay Muqdisho.

Munaasabadda wariyeyaashan dhaawucu soo gaaray lagu guddoonsiiyay ayaa waxay si toos ah uga baxaysay idaacadda Dalsan oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho, iyadoo uu goobta ku sugnaa agaasimaha idaacadda, Xasan Cali Geeseey.

Dr. Xasan Shire oo la hadlay wariyayaashan  ayaa u rajeeyey caafimaad deg-deg ah, wuxuuna u sheegay inuu ka xun yahay in dhibkaas uu soo garo xilli ay ku gadao-jiraan howlahooda saxaafadeed.

Sidoo kale, Maxamed iyo Shuceyn oo ka kala tirsanaa idaacadaha Kulmiye iyo Haatuf ayaa dhinacooda muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin kaalmada lacageed ee kasoo gartay hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Geeska iyo Bariga Afrika.

Hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ayaa magaalada Kampala ku caawisa wariyeyaal badan oo ka cararay colaadihii Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay dib ugu soo laabteen dalka, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin dalka Uganda oo ay qaarkood wax ka bartaan.

Weerarradii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 15-qof oo intooda badan ay ahaayeen shacab, iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen 20-qof oo kale oo ay suxufiyiintan ku jireen, iyadoo dadka dhaawacmay qaarkood ay xalaaddoodu aad u daran tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya