4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu horkacayo oo goor-dhow ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne

Axad, September 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn, halkaa oo ay siweyn ugu soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha ee soo gaarey Beledweyn waxaa ka mid ah wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka Jaamac Maxamed Axmed (Oday) xildhibaanno, taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi,  taliyaha ciidamada nabad-sugidda Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe), taliyaha booliska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo saraakiil kale oo ka tirsan xarunta madaxtooyada.

Marka laga soo tago mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan waxaa soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb qaatay, saraakiisha ciidamada maamulka, kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, qeybaha bulshada magaalada oo isugu jiray aqoonyahanno, odayaal, waxgarad, ururada dhalinyarada kuwaa soo siweyn ugu faraxsanaa booshada madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo si kooban ula hadllay warbaahinta ayaa sheegay in uu caawa  sii joogayo magaalada Baladweyne, islamarkaana kulamo kala duwan la yeelan doono maamulka iyo qeybaha bulshada gobolka.

Ammniga ayaa siweyn loo adkeeyay guud ahaan magaalada waxaa lagu arkayay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo dariiq walba xiray, islamarkaana si weyn ula socda dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada.

Wixii faah faahin ah waan idin soo gudbin doonaa.....

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya