4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Ra’isul Wasaaraha Somalia oo kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Jabuuti Madaxweynaha Maamulka Puntland (SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Iyadoo toddobaadyadii ugu dambeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayuu ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuxuu kulan casho ah ugu sameeyay magaalada Jabuuti wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Kulankan cashada ah oo ay goob-joog ka ahaayeen labada wafdi ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxaa looga hadlay go’aankii Puntland ay ku sheegtay inay hakad ku gelisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa dhanka wafdiga ra’iisul wasaaraha ka mid ahaa wasiirka gaashaandhiga, wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, wasiir ku-xigeenadda ganacsiga iyo kheyraad dalka, halka Puntland ay goob-joog ka ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka.

Markii ay cashadu soo dhamaatay ayuu ra’iisul wasaaraha soomaaliya kulan gaar ah oo saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Puntland, iyadoo aan la sheegin qodobbadii ay isku afgarteen iyo kuwii ay isku diideen.

Kulankan ayaa la sheegay inuu u xuub-siiban doono wada-hadallo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federlaka Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya