4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo dalka Jabuuti uga qayb-galay xaflad lagu dhagax-dhigay laba dekedood (SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra’iusl wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jabuuti ayaa maanta ka qaybgalay dhagax-dhigga laba dekedood oo noqonaya kuwii lixaad iyo toddobaad ee toddobaad ee laga hirgeliyo dalka Jabuuti.

Ra’iisiul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa dhagax-dhigay dekedaha cusub ee laga hirgelinayo dalka Jabuuti, kuwaasoo qaban doona adeegyo kala duwan.

Mudane Saacid ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Jabuuti dhagax-dhiggii labada dekedood ee Dameer-joog iyo Dooraale kuwaasoo loogu talogalay inay sare u qaadaan howlaha dhoofka iyo dejinta ee gobolka Bariga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aaminsan yahay, kuna shaqayn doono fikirka ah in dekedaha gobolka iyo Soomaaliya la ballaariyo isla markaana la casriyeeyo dhammaan dekedaha ku yaala xeebaha dalka Soomaaliya si ay ugu adeegaan Soomaaliya iyo dalalka Geeeska Afrika.

“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda dekedo casri ah. Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika iyo bado hayraad badan,” ayuu yiri ra’isul wasaaraha Somalia.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda dalka Jabuuti kala hadlay intii uu ku sugnaa Jabuuti arrimo kla xiriira iskaashi ee dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay dekedaha cusub iyo howlaha ay qaban doonaan ayaa sheegay in dekedda Dooraale laga dhoofin doono xoolaha, isagoo hadal uu xafladda dhagax-dhigga dekeddaas ka jeediyay ku sheegay in 29-malyuun oo tan oo xoolo ah laga diri doono.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in sababta ay halkan ugu soo guureen ay tahay iyadoo dekedda weyn ee Jabuuti aysan qaadi karin in xoolo intaan le’eg laga dhoofiyo, meel laga ballaariyana aysan jirin maadama ay ku taallo bartanka xarunta dalka Jabuuti.

Hirgelinta dekedahan cusub ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Jabuuti iyo maal-qabeenno u dhashay dalalka Carabta, iyadoo Geelle uu sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka Jabuuti.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya