4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Mashruuc loogu Magac-daray Aada Dugsiyada oo Maanta si Rasmi ah looga furay Muqdisho iyo Gobollada Soomaaliya(SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Olole waxbarasho loogu magac-daray aada dugsiyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in saddexda sano ee soo socota ay hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Mashruucan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo dublamaasiyiin ka socday beesha caalamka.

“Dowladdu waxay qabatay waxaa ugu weyn uguna mano badan ayuu ka mid yahay mashruucan, waxaana uga hambalyeynayaa wasiiradda iyo kooxda la shaqeynaysa, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha caaalmka iyo dalalka aan saaxiibka nahay ee gacanta ka geysanaya,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri khudbad uu ka jeediyay furitaanka mashruucan.

Mashruucan ayaa waxaa uu si rasmi ah maanta uga furay gobollada dalka oo dhan kuwaasoo ay ka mid yihiin, Garoowe iyo Hargeysa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada.

“Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto hambalyo masharuucan ku aaddan ayaan u dirayaa, saddexda sano ee soo socota inay hal milyan oo caruur Soomaliyeed ah ay dib ugu laabtaan waxbarashada waa arrin aad u wanaagsan, waana tiro badan marka loo eego howlaha waxbarashada dalka” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Wasiiradda horumarinta iyo adeegga bulshada dowladda Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim Axmed oo ka jeediyay hadal furitaanka mashruuca ayaa sheegtay in qorshahan uu yahay mid ay muddo kasoo shaqeynayeen, ayna bilaha soo socda 100,000 oo arday Soomaaliyeed ah ay aadi doonaan dugsiyada dowladdu kuwaasoo wax ku baran doona si lacag la’aan ah.

559238_10151822531237010_964839657_n.jpg

Maryan waxay sheegtay in mashruucan uu yahay mid ay ku doonayaan inay waxbarashada dalka dib ugu soo celiyaan, iyadoo xustay in meel walba oo dalka ka mid ah la gaarsiin doono waxbarasho lacag la’aan ah oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wakiilka UNICEF ee Soomaalia, Sikander Khan oo isaguna ka jeediyay hadal furitaanka mashruuca ayaa sheegay in mashruucan uu aad muhiim ugu yahay caruurta Soomaaliyeed. Isagoo yiri: “Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka Soomaaliya – waayo waxaa 20-kii sano ee colaaduhu ay jireen waxaa luntay waxbarshada dhallinta Soomaaliyeed.”

Beesha calaamka ayaa ku bixinaysa mashruucan 117-milyan oo doollar, taas oo isugu jira dayatirka iyo dib u qalabka iskuullada, mushaarka macallimiinta, tababarrada iyo hirgelinta waxbarashada dadka waaweyn.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo 22-sano laga joogo, waxbarashada dalka waxaa maamulayay hay’ado iyo machadyo ay leeyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, kuwaasoo ardayda ka qaada lacago kala duwan. Iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo dowladdu ay kusoo noolaynayso waxbarashadii lacag la’aanta ahayd.

12 year old girl, Mogadishu.jpg
530499_10151822531062010_330579556_n.jpg
DSC_0023.jpg
DSC_0045.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya