4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Milkiilaha maqaayada The Village oo iska fogeeyay eedeyntii Al-shabaab ee ahayd inuu ka tirsan yahay Sirdoonka Ingiriiska (SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Milkiilaha maqaayadda The Village, Axmed Maxamed Jaamac oo shalay uu khasaare xooggan kasoo gaaray weerar ismiidaamin oo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyaddiisa ayaa sheegay inuusan ka tirsanayn hay’adda sirdoonka Ingiriiska sida ay sheegtay Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegaty in sababta ay u beegsadeen baarkaas ay tahay in milkiilaha iska leh uu ka tirsan yahay sirdoonka Ingiirska ee MI5 iyo MI6, ayna baarkaas isugu yimaadaan sirdoonka gudaha iyo kuwa dibadda.

“Anigu kama tirsani sirdoonka Ingiriiska, waana wax laga xumaado inay ku eedeeyaan Al-shabaab inuu ka tirsan yahay wax uusan waxba ka ogeyn. Adeegyadii  aan bulshada u haynay wax saameyn ah kuma yeelan doonaan weerarrada ay Al-shabaab la beegsanayso baararkeyga,” ayuu yiri Axmed oo maanta la hadlayay warbaahinta.

Sidoo kale, Axmad Jaamac ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay Al-shabaab dad shacab ah oo aan waxba galbasan ay dhibaatooyin dhimasho iyo mid dhaawac ugu geystaan baarkiisa, kuwaasoo ay ku jireen haweene iyo caruur qaarkood iskuulley ahaa.

Weerarka lagu qaaday baarka The Village ayaa waxaa ku dhintay dad ka 15 qof ka badan iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof oo kale, kuwaa oo qaarkood ay xaaladdoodu aad u daran tahay.

Milkiilaha baararka The Village ayaa wuxuu ka mid yahay Soomaalida kasoo laabtay qurbaha ee maal-gashiga ku sameysay dalka gudihiisa, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay in la beegsado goobo ganacsi oo ay maalgashadeen Soomaalida dibadaha kasoo laabtay.

Waa markii labaad oo baarkan oo ku dhowr tiyaatarka Muqdisho ay kooxda Al-shabaab la beegsadaan weerarro ismiidaamin ah, iyadoo 20-kii September ee sannadkii hore 2012 lala beegsaday weerarro noocan oo kale ah oo ay ku dhinteen dad ka badan 20-qof oo ay ku jireen saddex suxufiyiin oo ka howlgalaya warbaahinta Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya