4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho oo laga Furay Xafiiska xiriirinta Qurba-joogta iyo Ganacsatada Gudaha (SAWIRRO)


Axad, September 08, 2013 (HOL) — Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu soo bandhigay xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliya, qorshe ay diyaarisay Rugta Ganacsiga oo loogu talo-galay qurba-joogta kusoo noqoneeysa dalka rabana inay ganacsi ka billaabaan ama fakrado laga miradhalin karo xaga ganacsiga kusoo kordhiyaan dalka.

Waxaa lagu marti-galiyay xarunta Rugta qurba-joogta dalka ku sugan oo u badan aqoon-yahanno kala duwan oo caalamka ka shaqeeya ama wax ka dhiga jaamacado, kana yimid dalal kala duwan. Taladooda ayay ku biiriyeen sidii hawshaas loo dar-dar-gelin lahaa iyo qaabka xafiiska Rugta laga furay u shaqeeyn lahaa.

Baaritaan iyo xog-ururin kdadib wixii u soo baxay Rugta Ganacsiga waxaa lagu soo bandhigay kulankii xalay in qurba-joogto la kulmaan dhowr arimood oo xal deg-deg ah u baahan, Rugta Gancasigana ay hadda u is-taagtay in la xaliyo arrimahaas.

Maxay yihiin dhibaatooyinka Qurbajoogtu la kulmaan dhinaca ganacsiga marka ay soo noqdaan:

  1. Inaysan xiriir toos ah la laheeyn ganacsatada gudaha oo waqti kaga lumo sidii ay fakarkooda ganacsi u meel-marin lahaayeen.
  2. In dhaqaalaha ay rabeen inay ku ganacsadaan uu waqtigaas dheer uga qarash garoobo si aan ku habooneeyn.
  3. Inaysan u sahlanayn qofkaas/kooxdaas inay ku filnaadaan maal-galintaas oo dhan oo xaalka ganacsi ee dalku uusan ahayn siday moodayeen.
  4. In haddii ay shirkado dalka maal-gelin kara ay keenaan uu waqti badan uga lumo inay ku toosiyaan ganacsatadii la jaan-qaadi lahaa, xafiisyadii ay u baahnaayeen iyo  caqabada kale oo badan.

Sidaas darteed, Rugtu waxay u sameeysay qorshe iyo xafiis rugta ku dhex-yaalla oo howlahaas ka caawiya, lana xiriiriya maal-gashadayaasha dalka, bankiyada iyo xafiisyada kale, si aysan fursadahaas shaqsigaas ama kooxdaas qurbaha ka timid fikirkii uu waday iyo maal-gashigiiba aysan uga khasaarin.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya