4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku Dhex-maray Deegaanka Qasax-Oomane ee Gobolka Bay

Axad, September 08, 2013 (HOL) —  Deegaanka Qansax-Oomane oo ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxaa ka dhacay dagaal ay isaga hor-yimaadeen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in la kala furtay hub iyo saanado kale oo ciidan.

Guddoomiyaha Degmada Bardaale, Maxamed Carra-cas ayaa idaacadaha u sheegay in dhankooda soo furteen hubka fudud ayna ka cayriyeen goobtaas kooxda Al-shabaab, dhinaca kale ma hayno hadallo kasoo yeeray Al-shabaab, iyadoo dhaqdhaqaaq waddadaas ay xirneyd shalay oo Sabti ahayd.

Deegaanka Qansax-Oomane oo uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna degmada Baydhabo u jirtaa 24-km, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo soo laalaabtay oo gobolka ka dhacayay.

Hiiraan Online, Baydhabo