4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqday Safar uu ku Tegi lahaa Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Axad, September 08, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday inuu saakay safar dhulka ah ku tago degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shbaeellada hoose ayaa ka baaqday, iyadoo wafdi hordhac ah oo horay u gaaray Jowhar ay saaka dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Degmada Jowhar ee xarunta goblka Shabellada dhexe ayaa tan iyo shalay laga dareemayay degmadaas, inkastoo baaqashada safarkan aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay tagay degmada Jowhar si ay u sugaan ammaanka wafdiga madaxweynaha iyagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho markii lagu wargeliyay inuu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh.

Waddoooyinka magaalada Jowhar ayaa tan iyo shalay waxaa lagu xirayay calanka jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ciidammada sirta ay tageen goob walba si ay uga hortagaan in la weeraro wafdiga madaxweynaha ee dhulka ku safraya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku hormari doono safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose taasoo lagu xoojinayo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ay safar dhlka ah ku tageen degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay intii uu safarka dhulka ah ku jiray.

Inta uusan madaxweynuhu aadin shirka 16-ka bishan ka furmaya magaalada Belgium ee xarunta dalka Belgium ayaa lagu wadaa inuu booqdo deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla, si warbixin ku saabsan shirka dib u dhiska Soomaaliya uu uga dhageystay dadweynaha ku nool deegaannadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya