4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in Cadaalad lagu saleeyo Dhismaha Maamulka Jubba (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne  ay ku yeesheen siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa lagu soo dhaweeyay hishiiskii dhawaan ku dhaxmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Kulanka oo dhamaan dhinacyadii ka qeyb galay ay ka mideysnaayeen taageerada ay u hayaan qodobada hishiiska labada dhinac, ayaa ku boorriyay mas'uuliyiinta maamulka Jubba in dhismaha qeybaha ka dhiman maamulka laga wada qayb geliyo dadka ku dhaqan deegaannada Jubbooyinka iyo Gado.

Nabaddoon Maxamed Cabdi Raaxooy oo ka mid ahaa odayaashii ka qeyb galay kulanka oo war-baaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan soo afjarista khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba, isaga oo dhinaca kalana ka dalbaday dowladda in dhismaha maamulka Jubba lagu saleeyo hab cadaaladda waafaqsan.

''Ujeeddada kulanka aan halka ku yeelanay waa labo qodob oo kala ah marka hore in aan soo dhaweyno hishiiska dowladda iyo maamulka Jubba iyo qodob, kan labaad oo noqonaya in beesha ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta iyo odayaasha fadhiga ku yeeshay halkan ee dega gobollada Jubbooyinka iyo Gado laga qeyb geliyo dhismaha maamulka,'' ayuu yiri Nabadoon Maxamed Cabdi Raaxooy.

Waxaa uu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in dhismaha maamulka Jubba lagu koobo beelo gaar ah, dhinaca kalana aan la siin xuquuqda ay leeyihiin beelaha kale ee ku dhaqan deegaannada uu maamulka Jubba ka arrimiyo.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ay hishiis ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiinta maamulka Jubba kadib khilaaf mudo dheer oo jiitamayay.

Ugu dambeytii, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Jubba in laga fogaado dhibaato ka dhalan karta sad-bursi lagu saleeyo dhismaha qeybaha ka dhiman maamulka oo laga wada tixgalin dhamaan beellaha halkaa wada dega, gaar ahaan saamiga ay ku leeyihiin maamulka beesha ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta iyo odayaasha kulanka ku yeeshay magaalada Beledweyne.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya