4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kalammo kala duwan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jabuuti (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirddoon (Saacid) ayaa maanta aqalka Madaxtooyadda ee Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele isagoo xusay in uu aad ugu faraxsan yahay xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo dadaalka uu Geelle ugu jiro in Soomaaliya ay hesho deggenaasho.

Mudane Saacid ayaa kala hadlay madaxweynaha Jabuuti iskaashiga labada dal ee arrimaha ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo dib-u-dhiska. Isagoo dhanka kalena ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay dowalddu ku talaabsatay muddadii ay jirtay.

“Dawladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sida ciidanka Jabuuti ee AMISOM qaybta ka ah ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen gobolka Hiiraan, sidoo kalena waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo dib-u-dhiska oo aan halkan u joogno,” ayuu yiri Saacid.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa ku ammaanay dowladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo gacanta kaga aaddan xasilloonida dalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin: wasiirka gaashaandhigga, wasiir-u-dawlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo kan khayraadka dalka ayaa kulan ay la yeesheen ra’isul Wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed iyo wasiirka gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane waxay uga wada-hadleen arrimaha amniga iyo qorshaha dowladda ee xasilinta dalka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya