4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Al-shabaab oo sheegatay Ma’suuliyadda laba Qarax oo ka dhacay Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen dad u badan shacab

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarro qaraxyo ah oo maanta barqadii  ka dhacay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15-qof oo u badan shacab, tiro ka badan 20-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegtay inay iyagu ka ahaayeen mas’uul qaraxyadaas ayna la beegsadeen maqaayadda The Village oo ku taalla degmada  Xamar-weyne, halkaasoo ay sheegeen inay tahay xarunta waxay ugu yeereen jawaasiista gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

“Maqaayaddan waxaa iska leh shaqsiyaad cadow ah oo gacan-saar la leh mid ka mid ah hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka,  ayna tahay goobaha laga soo maleego dhagaraha dadka Muqdisho uu cadowgu ku hayo, ayna mujaahidiintu dhowr jeer oo  hore dadka uga digeen in ay u dhawaadaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan beegsiga goob walba oo ay u arkaan in loo adeegsado dhibaataynta dadka muslimiinta ah, haddii ay tahay xarun milatari oo muuqata ama mid sirdoon oo qarsoon. Iyagoo intaa ku daray inay ka go’an tahay inay quusiyaan kuwa ay ugu yeereen cadowga gacan-saarka la leh sirdoonka dhibaateeya dadka muslimiinta ah.

Hadalka kasoo baxay Al-shabaab laguma sheegin nooca qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdihso ay ahaayeen iyo halka laga soo abaabulay, balse waxay ahaayeen weerarradaas kuwo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ruux miineysan.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo bishii September ee sannadkii hore sidan oo kale loo beegsaday maqaayaddaaas, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo ay ku jireen wariyeyaal iyo saraakiil ciidan, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Dhanka kale, laba nin oo miineysan ayaa iyaguna sannadkii hore weeraray isla maqaayad lagu magacaabo The Villase II oo ku taalla inta u dhexeysa isgoysyada Zope iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maqaayahadan ayaa waxaa leh muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed kaasoo muddo dheer ku noolaa dalka Britain, balse markii uu arkay in dalka ay ka jirto xoogaa deggenaasho ah goostay inuu dalkiisa ka sameeyo maqaayado ay bulshadu isugu timaaddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya