4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia iyo AMISOM oo si adag u cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Ergyga Qaramada Middobay ee arrimaha dalka Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15-qof oo intooda badan ahaa rayid.

Qaraxyadan ismiidaaminta ah ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shababa oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana cambaareyn adag dusha kaga tuuray madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii dambiilayaasha loosoo qaban lahaa.

“Waxaa aad iiga naxiyay ficilka waxashnimada ah ee dadka badan ay ku dhinteen maanta. Waxaana u cambaaraynayaa sida ugu xooggan.  Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibbadii dadkii lagu dilay weerarkan, sidoo kale, waxaana u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay inay si dhakhso leh u soo bogsoodaan,” ayuu yiri Kay.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Weerarradan noocan ah eek u dhisan cadownimada waxay naxasuusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay si dhab ah ugu baahan yihiin nabad.  Argagixisinimadda waxay caqabad  ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale. Argagixisinimadda waxay u baahan tahay in loo jebiyo ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan.”

Mr. Nicholas Kay ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska uu madaxda u yahay ee UNSOM ay Somalia u joogaan ay tahay inay gacan ka geystaan dadaallada socda ee nabadda lagu xaqiijinayo, waxaana barbar taagannahay shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa weerarkan cambaareeyay ciidamada AMISOM ee dalka sugan iyagoo sheegay inuu ahaa weerar waxashnimo ah oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Ergayga Midowga Afrika ayaa warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ku sheegay inay garab taagan yihiin mar walba dowladd Soomaaliya ayna kala shaqeyn doonaan amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya