4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Ururka dhallinyarada KANAVA oo Muqdisho ku xusay sannadguuradii 11-aad ee kasoo Wareegtay Aasaaskooda (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Munaasabad si weyn loosoo agaasimay, ay ka qayb-galeen madax ka socoto dowladda Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho iyo marti sharaf kale laguna maamuusayay sannad-guuradii 11-aad ee kasoo wareegatay asaaska ururka dhallinyarada KANAVA ayaa maanta ka dhacday Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka ururka dhallinyarada KANAVA, Liibaan Maaxi Macallim oo munaasabadda ka jeediyay khudbad furitaan ah ayaa ka warbixiyay waxqabadka ururkan oo la asaasay 2002-dii ay qabatay howlo fara badan.

"Marka la maqlo magaca KANAVA dadki qaarkii waxay u heystaan inuu yahay xarfo lasoo gaabiyay, balse sidaa ma aha magacaani waa magac Finland ah oo ay ku midoobeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira kuwo qurba-joog ah iyo dhallinyaro ku sugan dalka gudihiisa," ayuu yiri Maaxi oo sheegay in KANAVA dhallinyaro tiradoodu ka badan 8-arday ay ka dhistay dhinaca waxbarashada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ururkani uu soo maray heerar kala duwan, isla markaana howlihiisa uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jiray xilligii dagaalada sokeeye.

"Ururka KANAVA waa wabiga horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ku guuleystay inuu faracyo badan ka furto gobollada dalka intooda badan," ayuu mar kale yiri Maaxi oo ballanqaaday inay sii kordhinayaan howlaha kala duwan oo ururkoodu ka qabto dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Abuubakar oo ka mid ahaa madaxdii kasoo qayb-gashay 11-guurada asaaska ururka dhallinyarada KANAVA ayaa sheegay inuu isagu halkaasi ka xusay in ururka uu si lacag la’aan ah ula shaqeeyay isla markaana ay ka wada-shaqeynayeen horumarinta dhallinyarada.

"Dal wuxuu ku hormaraa haddii dadkiisu ay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan, waana inaan ku dadaalnaa in qof kasta oo naga mid ah danta guud uu geliyo laba saac, inta kalena uu danihiisa gaarka ah raacdo," ayuu yiri, Dr. Cali Sheekh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa tusaale u soo qaatay Japan iyo Mareykanka oo uu sheegay in Japan uu ka hor maray dhinaca shaqada oo dadweynihiisu maalintii laba ay geliyeen inay u shaqeeyaan danta guud.

Sidoo kale, Dr. Cali Sheekh ayaa ku booriyay madaxda ururka dhallinyarada KANAVA inay sii kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan sidii dhallinyarada loogu baraarujin lahaa inay is iskaa wax u qabso ah ugu adeegaan dadkooda, isla markaana wuxuu ballanqaaday isagoo ku hadlayay magaca Jaamacadda Muqdisho inuu garab-taagan yahay howlaha KANAVA ay ka waddo guud ahaan Soomaaliya.

Munaasabadda 11-guurada kasoo wareegatay asaaska ururka Kanava waxaa kale oo khudkabo kala duwan ka jeediyay, guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka, C/qaadir Gacal Abkoow oo sheegay in ururka dhallinyarada Kanava looga baahan yahay inay jadwalkooda shaqo ku daraan sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.

"Dowlad hadaad maqasho waa dadka, siiba dhallinyarada, ururada Kanava waa inuu xarumo ka furto saldhigyada booliska oo askariga haddii uu soo qabto qof dembiile ah ayna arkaan in qofkaasi aanu helin xuquuqdiisa asaasiga ah ay ka celiyaan," ayuu yiri C/qaadir Abkow.

Ugu dambeyn, waxaa hadlay xubno ka socday ururka la talinta Soomaaliya, wasaaradda arrimaha bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo halkaasi lix qof oo arday ah lagu guddoonsiiyay shahaadooyin, inkastoo Maaxi uu sheegay in tirada ardayda ay shahaadooyinka guddoonsiinayaan ay intaasi ka badan yihiin.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya