4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
XILDHIBAANAD SAADO CALI: "Waa Been Wararka Sheegaya in aan doonayo inaan iska casilo Xubinnimadayda Baarlamaanka"
Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan qaar kamid ah shabakadaha wararka ee Soomaalidu ay Internetka ku baahiyeen, warar sheegaya in Saado Cali Warsame oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay xilkaas iska casili doonto, ayaa waxaa arintaas ka jawaabey xildhibaanadda oo la hadashay qaar kamid ah war-baahitna maxalliga ah ee Puntalnd.

Xildhibaan Saado Cali ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, islamarkaana ay baahiyeen dad ay ku tilmaantay warxumo tashiil jecel in ay mas'uuliyiinta dowladda ku been abuurtaan.

Dad aysan magacaabin oo ay sheegtay in ay  xilalkooda gudan waayeen, kana xun yihiin firfircoonida iyo shaqada qaar ay iyadu kamid tahay ayey ku eedaysay in ay warkaas faafiyeen.

"Soomaalidu waxaas ayaa la yiri uun bay taqaan, waxa halkaas ina dhigeyna waa iyada. Xamar baan joogaa waajibgeyga qaran ayaanna gudanayaa. Qofka warkaas yiri waa mid shaqadiisii gabay oo dadka kale ee waajibkooda gudanaya kasoo horjeeda" xildhibaan Saado ayaa tiri iyadoo hadalkeeda raacisay: "qof wax uusan hubin ku hadlay anigana wax ima yeelin shacabkana wax yeelin, isag uun baa isyeelay".
 
Ugu dambeyntii waxay Saado Cali Warsame ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay gacamaha is qabsadaan, oo ay ka tanaasulaan qabyaaladda, meelna uga soow wada jeestaan cid kasta oo qarannimada iyo midnimadooda liddi ku ah.

Dadka reer Puntland oo ay xustay in ay yihiin kuwo mar walba u heellan sidii ay Soomaaliya mar kale ugu noqon lahay qaran jira, dadaal badanna ku bixiyey sidii dowladda xilligan jirta loo dhisi lahaa, ayey u dirtay baaq ah in howsha ay halkaas kasii wadaan, dadaalkoodana ay sii laba jibbaaraan.

Saado Cali Warsame oo kamid ah hobolladda ugu magaca dheer kuwa Soomaalida, waxay muddooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatey saaxada siyaasadda ee dalka, kaddib markii ay xubin ka noqotay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhaariyey bishii August ee sanadkii 2012.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland