4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay in Qodobbada ka soo baxa Shirka Culummadu ay Dowladdu dhaqan-gelin doonto


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirka la dagaalanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay wasaradda garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta oo la kaashaneysa hay’adda culimada Soomaaliyeed, kaasoo socon muddo shan maalmood.

Khudbadii furitaanka ayuu madaxweynuhu ku sheegay in culummada looga baahan yahay inay dadka ka saxaan fikirka khaldan maadaama ay culumadu  yihiin kuwo diinta Islaamka aqoon u leh, ayna tahay in ay ka hortagaan in diinta si khaldan loo fasiro.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay waddo siina xoojin doonto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo kuwa gacan saarka la leh, wuxuuna intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dowladda kala shaqeeyaan sidii gacan loogu soo dhigi lahaa kuwa dhibatooyinka ka geysanaya caasimadda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhaweynaysaa shirkan waxaana ka go’an inay fuliso qodobbada kasoo baxa, waxaanna ku faraxsannahay in shirkan oo kale lagu qabto dalka gudihiisa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho ay qayb ka yihiin kuwa lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo dadkii ku dhintay u rajeeyay janno, dadkii ay kasoo gaareen dhaawacyaduna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay inay tahay waxaan la aqbali karin in kuwa dhiigga dadka daadinaya marka lasoo qabto ay difaacaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha, culumada iyo mas’uuliyiinta qaar oo dowladda ka dalbada in lasii daayo dadka la tuhmo, iyadoo aan baaritaan lagu samayn.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay inay caddaaladda aqbalaan si ummadda loo badbaadiyo dad uu sheegay in ay laaluush la daba taagan yihiin saraakiisha ciidamada si dadka dowladda u xiran loogu soo daayo.

Guddoomiyaha culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirku uu yahay mid ay Soomaalidu leedahay, isagoo xusay in looga hadli doono dhibaatooyinka fahamka diinta ah ee ka taagan dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya