4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Puntland oo Xukunno ku ridday askar ka tirsan Ciidamada Badda Puntland

Sabti, September 07, 2013 (HOL) —
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku riddey 8-askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Puntland. Askarta la xukumay ayaa bishii November ee sanadkii hore afduubtay markab ay ilaalo ka ahaayeen.

Maxkamadeynta ciidamadan oo ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, waxaa markii ay soo gabagabowday xukunka askartan lagu ridey ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland -laanteeda gobollda Bari, Sanaag, Haylaan iyo Karkaar- C/fataax Xaaji Aadan.

Wuxuuna sheegay in askartani ay ku kaceen fal burcad-badeednimo ah, islamarkaana uu ku cad yahay dembiga lagu soo eedeeyey ee ah in 12-kii November sannadkii 2012 markab lagu magacaabo MV Daesan - oo la qabtay isagoo sibir qoyey ku daadinaya xeebaha Putnland- ay kala baxsadeen dekedda magaalada Boosaso.

"maxkamaddu markay aragtay eedda xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida; maxkamaddu markay dhegeysatey qiraalka ; waxay ku xukuntay toddobada askari ee maxkamadda joogta iyo midka maqan min  hal sano oo xabsi ciidan ah" Guddoomiyaha maxkamadda oo xukunka ku dhawaaqaya ayaa yiri.

Askarta la xukumay oo 7 kamid ahi ay maxkamadda joogeen midna uu ka maqnaa waxay kala ahaayeen sidan:

  1. Dable Buux Cabdi Cilmi
  2. Dable Maxamed Oomaar Maxamed
  3. Dable Cali Cismaan Maxamed
  4. Dable Cabdi C/laahi Weyrax
  5. Dable Saleebaan Maxamed Nuur
  6. Dable C/qaadir Jaamac Faarax
  7. Dable Baashe C/laahi Yuusuf
  8. Dable C/laahi Cali Cabdalle Saalax - maqane

Waa markii ugu horreysey oo maxkamad lasoo taago askar ka tirsan ciidamada badda Puntland, tan iyo markii la asaasay sanadkii 2010.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland