4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Ciidamada AMISOM oo la wareegey sugidda Amniga guddoomiyaha gobolka Bay iyo Qabanqaabo Shir oo ka socda Baydhabo

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Ammaanka xafiiska iyo guriga uu magaalada Baydhabo ka deggen yahay guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow, waxaa la wareegay ciidamada AMISOM,  iyadoo ergooyin kala duwan ay maalmihii u dambeeyey degmada Baydhabo kusoo qulqulayeen.

Shir-weynahan oo ah mid lagu sameynayo maamulka Koonfurta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin gobollo dhowr ah , waxaana hoteellada magaaladaas soo buuxiyay ergooyin ka kala imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Odayaasha dhaqan ayaa waxay maanta magacaabayaan guddiyo kala duwan oo loo xilsaaray qabanqaabada shir-weynaha maamul u samaynta Koonfurta Somalia, guddiyadaas oo ka kooban: guddiga abaabulka, guddiga dhaqaalaha, guddiga amniga iyo guddiga farsamada.

Xaruntii ADC oo ahaan jirtay xaruntii baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa la dayactiray, waxaana la faliyaa in lagu qabto shir-weynaha maamul u sameynta Koonfurta Soomaaliya.

Maanta waxaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada xildhibaanno ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Koonfurta Soomaaliya, si ay uga qaybgalaan shirka ka furmaya Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo