4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Wasiirka difaaca dalka Burundi oo si kaddis ah ku tagay degmada Baydhabo booqday fariisimo ku yaalla duleedka Degmadaas

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Wasiirka difaaca dalka Burundi ayaa ku tagay booqasho aan horay loo shaacin maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay HOL ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Booqashadan ayaa ahayd mid aan horay loo ogeysiin mas’uuliyiinta gobolka Baay, iyadoo wasiirka difaaca Burundi ay garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhoweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Burundi ee Baydhabo ku sugan, wuxuuna kormeer ku sameeyay fariisimo ay ay ciidamada dalka Burundi ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ku leeyihiin hareeraha degmada Baydhabo.

Wasiirku wuxuu kaloo tagay deegaanka Awdiinle oo Baydhabo u jirta 30-km, halkasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi, isagoo ciidamada la hadlay kuna ammaanay howsha ay ka hayaan Soomaaliya.

Safarka oo aan horay loo shaacinin ayaa waxaa wasiirka ku weheliyey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada Burundi ee jooga Baydhabo, kuwaasoo aan u sheegin maamulka dowladda iyo warbaahinta.

Magaalada Baydhabo ayaa habeenkii waxaa laga maqlaa guuxa diyaarado ka dagaya garoonka weyn ee Baydhabo, waxaa kaloo garoonka gudihiisa lagu arkayaa ciidammo wata direyska ciidamada oo ah ajnabi aan ka tirsanayn kuwa AMISOM.

Hiiraan Online, Baydhabo