4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Guddoomiyaha Xisbiga dadka oo ka mid ah xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Hoggaan xumo


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga dadka oo soo saaray maanta warbixin dheer oo uu kaga hadlayo hoggaanka Soomaaliya ayaa xusay in Soomaaliya ay xiligan dhexda ka taagan tahay hoggaan xumo dhinaca dowladda ah, rajana aan laga qabin in laga garaabo.

Prof. Siciid Ciise Maxamuud oo ka mid ahaa xubnihii tartanka la galay xilligii doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xisbigan uu yahay xisbi mucaarad ah oo dhowr jeer ka hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

“Talo-xumida ay la tukubeyso madaxda dowlada waa mid ka timid talo-xumo ka timid madaxda sare ee dalka awooddii dalka ku kooban siyaasiyiin iyagu ay soo xusheen, waxaana UN-ka iyo Sacuudiga si gaar ah loogu diray fariimo deg-deg ah, ujeeddaduna tahay in Soomaaliya laga fududeeyo maamul xumida haysata,” ayuu yiri Siciid Ciise.

Hoggaaminta wanaagsan waxaa saldhig u ah xiriirin xoogan iyo maamul wanaagsan oo adeegyada dowladda, gaarsiiyana shacabka meel kasta oo ay joogaan. Hogaamiyaha wanaagsan waxaa tilmaan u midka ah shaqsiyadiisa laga helo astaanmaha: daacadnimada, aqoonta iyo wadaniyadda.

“Madaxweynihii milateriga Soomaaliya wuxuu tusay Soomaalida in wax lagu maamuli karo kalitalisnimo, wuxuuna saddexda tilmaan ka watay sifada waddaninimo oo keliya, sidaas oo ay tahay wuxuu ahaa hogaamiyaha keliya ee madaxda Soomaalida soo martay oo dalka xiriir caalimiya iyo adeegyada dowlada gaarsiiyay dhammaan deegaannada Soomaaliya,” ayuu yiri Siciid.

Guddoomiyaha Xisbiga DADKA wuxuu sheegay in madaxweynaha Somalia uu ka il-duufay Muqdisho inaysan ahayn Garoowe, Soomaalidana ay u tahay magaalo ay xoolaheedu iyo dadkooduba ku dhan yihiin. Waxaa Muqdisho ka barakacay, kana qaxay dad lagu qiyaaso saddex malyan, waxaan sugaynay in Soomaalida dib loogu soo celiyo guryahooda oo loo sameeyo dib-u-dejin, iyadoo laga raalli-gelinayo dhibaatada loo gaystey, balse taasi ma dhicin oo waxaa bedelay in hantidii dalka jeebka lagu shubto.

“Soomaaliya waxay 1969-kii gacanta ugu jirtay dad gaar ah oo siyaasadda dalka gacanta ku dhigay, kuwaasoo dalka baday dhibaato dhaqaale oo aad u xun. Mar kale Soomaaliya. 1990-kii Muqdisho waxay gacanta ku gashay dad gaar ah oo, taasna waxay sababtay kalsooni-darro dhalisay inuu daato dhiig badan. 2013 waxay Muqdisho gacanta ugu jirtaa dad gaar ah oo maamulka dalka la wareegay, kuwaasoo gacanta ku haya dekeda, garoonka, xarumaha dowladda iyo qandaraasyada shisheeyaha,” ayuu yiri guddoomiyaha oo intaa ku daray in sababta uu intaas oo dhan u soo maray ay tahay in weli la garan la’yahay in Soomaalidu ay tahay mid qura.

Madaxda dalka ayuu ku eedeeyay inaysan waxba qaban, balse ay dantooda oo keliya ka eegteen markii hoggaanka ay la wareegeen, isagoo ugu baaqay inay xilalka iska casilaan haddii aysan waxba qaban karin.

Sidoo kale kale wuxuu sheegay in ciirciirka iyo cabsida dowlada ay bar-bar socdaan kulammo ujeeddadeedu tahay dhiiri-gelin lagu garbo-gelayo dowlada. Dowladdu markii ay quus ka istaagtay kalsooni kal iyo laab leh oo ay ka hesho dadweynaha, ayay u jeesatay dhinaca bulshada caalamka oo ay horkaceyso UN-ka. Waa arrin mudan in la derso ee ma bulshada caalamka ayaa shacab u noqonysa Soomaaliya?.

“Maaweelada ay bulshada caalamka u muujinayso shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka turjumayaa inay jirto fara-gelin qarsoon oo ay shisheeyuhu ku hayaan arrimaha u gaarka ah Soomaalida. Waxaa hadda socda qorshe la doonayo in UN-ka xaafiisyadeeda lagu baahiyo dhammaan Soomaalida oo xilkii laga sugayay dowladda ay kaalinteeda buuxiso, taasoo ka durugsan wax-qabad samafal ama horumarinta degaanka, waxayna u muuqataa siyaasad cusub oo shisheeyuhu ku damacsan yihiin inay dalka xoog ku qabtaan, waxaana sahanka UN-ka barbar socda in la keeno ciidammo fara badan oo ka socda UN-ka, lana doonayo doorasho inay dalka ka qabtaan, laguna sifeeyo ciddii kasoo horjeeda rabitaankooda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dib-u-heshiisiin, doorasho xalaal ah, dhaqan-gelinta ama dib uga noqoshada federaalka iyo dhab u hirgelinta xisbiyada siyaasadeed ma ahan mid koox gaar loogu yeertay iyo inay khubaro shisheeye wax ka qaban karaan ama jujuub lagu gaari karo xalka Soomaaliya. Waxaa jirta cadaalad muuqata iyo mid aan muuqan oo xoolo iyo dhiigba quseeya, mana sahlana in faataxo iyo is-cafis aan niyad ahayn lagu gaaro xal ka fog xaqiiqda kadib markii ay boqolaal kun oo rayid Soomaaliyeeda loo diray akhiro.

Rajada wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed waxay tahay in dowlada la doortay ay sameyso isbedel oo laga guuro qabiilka iyo kooxaha diimaha ku saleysan loona gudbo Qaranimada Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa kusoo gabgabeeyay Madaxweyne ceebtu sii fogaataye maxaa caymis noqon kara?.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya