4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
In ka badan 15-qof oo ku dhintay Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo goor-dhow ka dhacay barxad weyn oo ku dhowr Tiyaatarka Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Qaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa ka dhacay barxadda iskaashatooyinka oo kasoo horjeedda dhismaha ex-fiyoore, kana dambeysa Maqaayadda The Village oo horay qaraxyo ismiidaamin ah ay Al-shabaab ula beegsatay.

Inta la ogyahay 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qaraxyadaas ku geeriyoodey, iyadoo ay ku dhaawaceem in ka badan 20-qof oo dad rayid ah u badan.

Weerarradan ayaa waxay ahaayeen kuwo isugu jira gaari miineysan oo ku qarxay barxadda iyo ruux markaas kaddib ismiidaamiyay, iyadoo la sheegay in ruuxa isqarxiyay uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada iyo midda dhaawac.

Madaxweynaha Soomaailya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo.

“Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaartay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu Xasan Sheekh ka yiri shir looga hadlayo xag-jirnimada oo ka furmay Muqdisho.

Xildhibaan Xiis oo ka mid ahaa xildibaanno ku sugnaa Maqaayadda Village ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 10-qof oo rayid ah, kuwaasoo isugu jiray siddeed rag ah iyo laba dumar ah, oo ku dhintay qaraxii uu ruuxa miineysan geystay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodan) oo saxaafadda kula hadlay goobta, ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid lagu doonayo in shacabka lagu laayo, isagoo intaa ku daray in la diidan yahay inay wadashaqeyni dhexmarto dowladda iyo shacabka.

Weerarkan oo aysan jirin cid weli sheegatay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay habeen ka hor ka dhaceen Muqdisho qaraxyo waaweyn oo geystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya