4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Wafdi ka kooban Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba iyo odoyaal oo Maanta u Ambabaxay Muqdisho [SAWIRRO]


Sabti, September 07, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismayao ka ambabaxay wafdi uu horkacayay madaxweeynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoona wafdigani uu kusii jeedo dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay kula kulmi doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona intaa ku daray in sidoo kale ay halkaasi kasoo kaxayn doonaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka si buu yiri ay uga qeybqaataan wadahadallada la filayo in lagu qabto Kismaayo.

Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka, kuwa maamulka raacsan iyo kuwa kasoo horjeeda intaba.

Dhanka kale waxaa isla maanta magaalada Kismaayo soo gaaray madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo gudoomiye kuxigeenka maamulkii KMG ahaa ee degmada Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo isagu daryeel dhanka caafimaadka ah ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.


Jen. Fartaag oo garoonka kula hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay safarrada kala duwanaa ee uu kusoo maray dalalka Kenya iyo Itoobiya, isagoona sido kale ka warbixiyay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku dhexmaray magaalada Adisababa.

Madaxweeyne kuxigeenka oo ay wehlinayeen siyaasiyiin iyo madax ka tirsan maamulka Jubba ayaa raacay wafdigii uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe ee u ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.