4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Casho Sharaf u Sameeyey ka Ergooyinkii ka Qayb-galay Shirka Siyaasadda (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyey kasoo qaybgalayaashii shirka siyaasadda oo shalay lagu soo gabagabeeyey Muqdisho.

Xafladan casho sharafta waxaa kasoo qaybgalay marwada madaxweynaha Qamar Ali Omar, ku-simaha ra'iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Magaalada iyo marti sharaf kale.

Casho-sharaftan ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha, ku simaha ra'iisul wasaaraha, wasiir-ku xigeenka warfaafinta oo ku hadlayay magaca guddga qabanqaabada shirka iyo guddoomiyaha gobolka Banadir iyo Caasho Geelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha waqtigooda qaaliga ah, isla markaana ka codsaday inay dowladda la shaqeeyaan isla markaana ballan-qaadday talo soo-jeedintii shirka siyaasadda inay dowladdu dhaqan-gelin doono.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay warbixintii ay hay'ado caalami ah oo ku takhasusay arrimaha baaritaanka musuqmaasuqa iyo garyaqaannadii la shaqeynayay ayku  sheegeen in eedeymihii guddiga daba-galka ee QM ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona lahayn.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in sababta dowladdu ay uga codsatay hay'adahan caalamiga ah inay baaraan musuqmaasuq la sheegay ay ahayd in haddii la helo cid musuqmaasuqaas ku kacday tallaabo sharciga la xiriirta laga qaado.

“Waxaana aan ku faraxsanahay in baaritiinkii lasoo gabgabeeyay la amaanay shaqaaalaha bankiga dhexe iyo maaliyadda sida ay u shaqeeyaan iyo in dhammaan eedeymihii musuqmaasaqa ay wada-ahaayeen kuwa aan waxba ka jirin,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay casho-sharafta.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya