4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Xildhibaanka Keith Ellison oo ku biiray Ololayaasha looga Horjeedo in la xiro Xawaaladaha Soomaalida (SAWIRRO)


Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo lagu taageerayay shirkadaha xawaaladaha Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kulankan si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay hay’addaha ADESO iyo Oxfam America oo kaashanayay Inter-American Dialogue.

Shirkan oo sidoo kale hay’ada African Development Solutions (ADESO) ay ku soo bandhigtay warbixin guud oo ka hadleysa xawaaladaha Soomaaliya, waxaa ka soo qeyb galay Congressman Keith Ellison oo ah xildhibaan laga soo doorto Minneapolis, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka yahay ololaha lagu codsanayo inaan xawaaladaha SOomaaliya laga xirin akoonada ay ku leeyihiin Bangiyada caalamka.

“Waan ogahay in nolosha dadka Soomaaliyeed ay ku xiran tahay Xawaalahada, isla markaana ay muhiim tahay inaan taageerno” ayuu yiri Keith oo intaas ku daray “Waxaan u baanahay in dhammaan Soomaalida ku nool mareykan ay taageeraan qorsha aan dooneyno inaan dowladda hordhigno oo ah inaan xawaalahada la takoorin, ha soo baxaan dadka ku nool dalka oo dhan, Washington, Ohio, Minnesota iyo gobol kasta oo Soomaalidu degan tahay”

Waxaa kale kulanka ka Faadumo Jibriil oo ah aas-aasaha hey’adda Adeso waxayna sheegtay in difaacista xawaaaladaha Soomaaliya ay u baahtay olole xoog leh oo aan loo kala harin, si loogu guulesto inaan la jarin isha dhaqaale ee dadka SOomaaliyeed.

“Haddii ay jirto cabsi ah in lacagaha dibada laga diro ay ku dhacaan gacmo argagixso ah ama hoogaamiye kooxeed hada waxaan si cad u shegeynaa inaysan arrintaas jirin, ciddii dooneysa inay ogaato waxaan u geyneynaa shacabka SOomaaliyeed oo arrinkaas ka hadalay “ ayay tiri Faadumo Jabriil.

Degan Ali oo ah agaasimaha hey’ada Adeso ayaa iyana sheegay in ku dhawaad 50% ay dadka SOomaaliyeed ku nool yihiin lacagaha dibada laga diro oo ay fududeeyaan xawaaladaha Soomaaliya.

“Cel-celis ahaan in ka badan 1.5 Billon oo Dollar ayay Soomalida qurbaha u diraan dalka sanadkii, lacagtaasna waa mid ay dadku ku noolaadaan” ayay tiri  Degan.

SIdoo kale waxaa kulanka ka hadlay Siciid Macallin oo ah madaxa Xawaaladda Amaana, ahna guddoomiyaha guddiga xawaaladleyda America, “Dhibaato badan ayaa heysata xawaaladaha Soomaaliya” ayuu yiri Siciid Macallin.

Cabdicasiis Dhoore oo ka mid ah maamulka Xawaaladda Tawakal ayaa sheegay in khatartan ay keeni karto in dhibaatooyin ka daran abaaraha ay ku habsadaan dadka Soomaaliyeed.

“Tusaale ahaan dadka dibada ku nool waxay heystaan kaarar caafimaad oo markii ay xanuunsadaan ay isbitaalada ku tagaan, laakiin Hooyooyinka Soomaaliyeed iyo caruurtooda ku nool Soomaaliya waxay isbitaalada ku tagaan lacag cadaan ah oo dibada laga diro, haddii lacagtaas la joojiyana noloshoodu khatar ayay gali doontaa” ayuu yiri Dhoore.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay Cabdi Warsame oo ah musharax ka tirsan xisbiga madaxweyne Obama ee Democrat  , isla markaana u tartamaya deegaanka 6-aad ee Minneapolis, wuxuuna sheegay in haddii dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dalkan ku nool ay saxiixaan waraaqad ku socota Madaxweyne Obama ay dhici karto in is bedel lagu sameeyo sharciyada xadidaya xawaaladaha Soomaaliyeed.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota