4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 7 , 2013
Shir looga Hadlayo Toosinta sida Qaldan ee loo Fahmay Diinta Islaamka oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo sidii loo toosin lahaa fahamka qaldan ee diinta Islaamka ayaa maanta ka furmaya Muqdisho kaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan boqolaal ka tirsan culummada Soomaaliyeed oo isaga yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo shalay la soo gabagabeeyay shir looga hadlayay geeddi-socodka siyaasadda iyo higsiga 2016-ka, si xilligaas ay doorasho dalka uga dhacdo.

Qabanqaabiyeyaasha shirkan ayaa qodobbada looga hadli doono waxay ku sheegeen inay ka mid yihiin, sidii lagu toosin lahaa fahamka qaldan ee loo adeegsanayo diinta Islaamka, iyagoo diiradda la saari doono sidii loo sixi lahaa

“Dadka qaarkood si khaldan ayay diinta u fahmeen, waxaanan aragnay in laga raadinayo qofka gaalka ah minbarka ama masaajidka, taasoo dhibaato dhinaca fahamka diinta ah ku keentay bulshadeenna, waana taas midda aan doonayno inaan tashwiishka ka bixinno,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha qabanqaabinaya shirka.

Tan iyo markii ay dalka ka curteen maxkamadihii Islaamka waxaa jiray ka fikir ku duwanaasho dhinaca fahamka diinta Islaamka ah oo u dhexeysay culummada Soomaaliyeed, taasoo keentay inay eedeymo kala duwan isku mariyaan warbaahinta.

Sidoo kale, waxaa dhacday in la dilo culummo badan kuwo kalena ay ka badbaadaan isku-dayo dil oo ay la beegsatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM ay ka mid yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya