4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Wariye Maxamed Shaqalle Canshuur oo Ciidamada Milateriga Somaliland ay Maanta dhigeen Xabsiga Laascaanood


Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Ciidanka milateriga Somaliland ayaa maanta xiray weriye, Maxamed Shaqalle Canshuur oo ahaa madaxii TV-ga Somalisat ee gobolka Sool, iyadoo la xiray xilli uu kusoo socday magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Wariyahan ayaa lagu qabtay tuuladda Ganbadhe oo 30-km dhinaca bari kaga beegan Laascaanood illaa haddana lama garanayo sababta loo xiray.

Saraakiisha ciidanka booliska ayaa xariga suxufigan oo ku jira saldhiga waqooyiga Laascaanood isaga riixay ciidanka milatariga, waxayna sheegeen inay ka hadli doonaan marka ay ogaadaan kiiska loo haysto.

Maxamed Shaqalle ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku  sugnaa bariga gobolka Sool, gaar ahaan deegaannada ay ku muransan yihiin maamulka Puntland iyo Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool