4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Bartii ay Xarakada Al-shabaab ku lahayd Shabakadda Twitter-ka oo la xiray iyo Al-shabaab oo Arrintaas ka Hadashay

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Boggii ay Al-shabaab ku lahayd barta ay ku xiriiraan bulshada ee Twitter-ka ayaa la xiray markii labaad sannadkan, iyadoo Al-shabaab ay ku sheegeen inay qayb ka tahay qorshayaal looga hor-jeedo farriimaha ku saabsan in la ogaado xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay.

Fariin ku qoran luuqadda Ingiriiska ayaad ku arkaysaa markii aad gasho barta ay Al-shabaab ku lahayd Twitter-ka, kaasoo ahaa: @HSMPress1. Waxaana farriintu ay kusoo sheegaysaa in boggaan la xayiray.

“Sanduuqii aan ku lahayn Twitter waa la xiray, waana qorshe labaad oo lagu xiray bogagga aan ku gudbinno fariimaheenna, waana mid lagu doonayo in lagu aamusiyo runta iyo in laga warbixiyo xaaladaha Soomaaliya ka jira,” ayay Al-shabaab ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii Al-shabaab ay boggan la xiray ku baahiyeen xog ku saabsan weerar gaadmo ah oo ay sheegeen inay la beegsadeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socday oo kusii jeeday degmada Marko.

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay ka xiri doonto ciddii bogagga ay Twitter-ka furtaan u adeegsata falal ay ka mid yihiin colaado iyo hanjabaado, iyadoo Al-shabaab ay ku baahin jirtay bogaggeeda dagaallada ay gasho iyo xogo kale oo ku saabsan dagaalka ay kula jirto dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa la xiray boggii hore ee Al-shabaab ay ku lahayd Twitter, kaasoo ahaa: @HSMPress, kaddib markii ay ku baahiyeen masawirrada sarkaal Faransiis ahaa oo ay muddo dheer kaddib toogteen.

Al-shabaab ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal kale oo ay doonayaan inay bog kale kaga furtaan barta Twitter, waxayna dadkii ku xirnaa bogaggooda ugu baaqeen inaysan ka tanaasulin xogihii ay ka heli jireen bogaggooda Twitter-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya