4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bay oo shaaciyay in Amniga Magaalada Baydhabo uu yahay mid aad u xun


Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Taliyaha qaybta booliiska gobolka Bay kol. Mahad Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegey in ammaanka guud ee magaalada Baydhabo uu xilligan mid aad u xun, kaddib markii la kala garan waayay ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Kol. Mahad wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan Baydhabo ay yihiin kuwo isku dhar iyo hub wata, ayna taasi keentay in ammaanka magaalada Baydhabo uu 85% noqdo mid aan la isku halleyn karin.

“Magaalada Baydhabo waxaan oran karaa ammaankeedu 85% waa mid aan wanaagsanayn, waayo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladdu waa kuwo isku dhar iyo hub wata, lamana kala garan karo,” ayuu ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta dalka.

Hadalka taliyaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Magaalada Baydhabo uu ka socdo diyaar garow loogu jiro qabashada shir-weynaha  maamul u sameynta lix gobol oo ku yaalla Koonfurta dlka. Maalin walba waxaa magaalada soo gaaraya ergooyin ka imaanaya dalka iyo dibadda.

Ugu dambeyn, kol. Mahad ayaa sheegay inay magaalada ka wadaan dib u habeyn lagu sameynayo ammaanka, isagoo xusay in maamulku uu wado qorshe lagu soo celinayo amniga laguna xareynayo ciidamada.

Hiiraan Online, Baydhabo