4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo soo Xiray Shirweynihii Qaran ee looga hadlayay Geeddi-socodka Siyaasadda dalka


Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta si rasmi ah u soo xiray Shir-weynihii Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo higsiga 2016-ka kaasoo muddo shan maalmood ah ka socday Muqdisho.

Gabagabadii shirkan ayaa waxaa guddiyadii loo qaybiyay xubnihii shirka ka qaybgalayay waxay soo saareen qodobbo, iyagoo qaarkood dalbaday in lagu fuliyo qodobbadaas muddo bil gudaheed ah, halka kuwo kalena ay sidoo kale fulinta qodobbada ay soo saareen u qabteen muddooyin kala duwan.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay xiritaankii kulanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya fulinta qodobbada kasoo baxay shirka, isagoo ka dalbaday ergooyinkii shirka kasoo qaybgalay inay howsha la wadaan si ay u noqdaan qodobbadaasi kuwo lagu fuliyo muddooyinkii loo qabtay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta qodobbada kasoo baxay shirka, waxaanse codsanaynaa inaad idinkana hareeraha nala qabataan si ay u noqodaan kuwo si wadajir ah loo fuliyay,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadal uu ka jeediyay xirtaankii shirka.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan dhaliilaha dowladda loosoo jeedinayo, balse dhaliiluhu ay noqdaan kuwo wax dhisaya ee aanay noqon kuwo wax duminaya.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in marka la gaaro sannadka 2016 la qabto doorasho, taasoo ay shacabku kusoo dooran doonaan madaxda hoggaaminaysa, isagoo xusay in taasna ay kalsooni weyn ku qabaan inay dhici doonto.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirar kale la qaban doono ayna ku kalsoon yihiin in shirkani uu noqon doono mid dhabbaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay ku gaari lahayd halka ay higsanayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya