4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga billlaabatay dalka Jabuuti

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, kaddib markii uu kasoo duulay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyadda Sucuudiga.

Mudane Saacid waxaa garoonka dayuuradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay wasiirka cadaaladda isla markaasna ah ku-simaha ra’isul wasaaraha dalkaas, Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Jabuuti ka tirsan.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee gaaray Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga , wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo wasiir ku-xigeenka kheyraadka, iyagoo isla maanta la qaadan doona kulammo madaxda dalkaas, iyagoo kawada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dib-u-dhiska, ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo arrimo badan iska kaashan doonno sida dib-u-dhiska, ammaanka, siyaasadda iyo ganacsiga,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Saacid.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo laba casho ku joogi doona dalka Jabuuti ayaa waxay markaas kaddib u dhuuli doonaan dalka Yemen, halkasoo ay ku joogi doonaan safar dhowr casho ah.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo sagootiyay garoonka caalamiga ah ee magaalada Jeddah wasiirka xajka iyo owqaafta Sucuudiga, Bandar Xijar iyadoo ra’iiusl wasaaruhuna uga mahadnaqay boqortooyadda Sucuudiga kulammadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay gacan ka gaystaan dib u dhiska Soomaaliya.

Intii mudane Saacid iyo wafdigiisa ay ku sugnaayeen dalka Sucuudiga waxay heshiisyo la saxiixdeen bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadaas ay isugu jiraan mashaariic deg-deg ah iyo qorshayaal socon doonaa toddobada sano ee soo socota ah, kuwaasoo lagu hormarinayo adeegyadda bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowladda iyo soo noolaynta mashaariicdii bankigu ka fulin jiray Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya