4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Hay’ad Caalami ah oo Beenisay War-bixin ay Kooxda Daba-galka Qaramada Midoobay horay uga soo saareen Soomaaliya

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Hay’adda caalamka ugu sarreysa ee arrimaha baaritaanka dambiyada iyo koox garyaqaanno ah ayaa soo saaray warbixin ay uga soo horjeesteen warbixintii Qaramada Midoobay ee daba-galka cunno-qabateynta dalalka Soomaaliya iyo Eretria, iyagoo caddeeyay in dowladda Soomaaliya aysan wax musuq-maasuq ah sameyn.

Iyagoo ka jawaabaya warbixintii Qaramada Midoobay kooxdooda daba-galka Soomaaliya iyo Eretria, gaar ahaan qeybta Annex 5.2, ayaa waxay hay’adda FTI iyo kooxda garyaqaanada hay’adda Mareykanka ee Shulman, Rogers, Gandal, Pordy iyo  Ecker, P.A ay ogaadeen in hab-raaca iyo gunaanadkooda ee qaybta Annex 5.2 ay ahayd mid “si aad ah wax uga qaldan-yihiin iyo iyadoo aan gebi ahaanba lagu kulsoonaan karin.”  Waxay intaas ku dareen in eedeymaha intooda badan ay ka horreeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waqtigiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa soo dhaweynayaa warbxintan gunnaanadkeeda iyadoo la qirayo in Soomaaliya ay weli u baahan tahay inay horumar ku sameyneyso nidaamka dhaqaalaha kaddib 20-sano oo dagaal ah.

“Madaxweyne ahaan, mas’uuliyad baa iga saran inaan eedeymihii si dhab ah u galo oo aan u dalbano in baaritaan dhab ah lagu sameeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha. Isagoo intaas ku daray: “Aad baan ugu faraxsan-nahay in kooxdii aan baarista u diray uu gunnaanadkoodii noqday in eedeymahaas ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona lahayn.”

Hay’addan ayaa baaristeeda caddeymaha ay ku beeniyeen eedeymihii QM waxaa ka mid ahaa: 

  • Cambaareyntii ay u soo jeediyeen guddoomiyaha bankiga dhexe, Dr Cabdisalaan Cumar doorkiisa hoggaamineed ee bankiga. Marka la fiiriyo warbixinta baarista Dr. Cabdislaan waxuu dalbay ballan inuu arko kooxda dabagalka Qaramada Midoobay kaddib markii ay warbixintooda u gudbiyeen guddiga ciqaabaha ee Qaramada Midoobay. Kulankii koobnaa oo ay kula yeesheen maqaayad buuq badan ma aysan weydiinin eedeymaha warbixintooda ku jirta. Ha yeehsee warbixinta hay’addan baaristanta sameysay waxaa Dr. C/salaam lala yeeshe wareysi socday 9 saacadood.
  • Kooxda daba-galka Qaramada Midoobay warbixintooda waxay ku sheegeen in lacagtii Price WaterHouse Coopers ee $16.9 million oo dollar ah ay maqan tahay $12 million. Hase yeeshee baarista hay’addan caalamiga ah waxaa lagu caddeeyay in lacagtaas la hayo xisaabteeda oo aysan maqnayn.
  • Warbixinta kooxda daba-galka waxay sheegeysaa inay maqan yihiin hay’adihii si dhab ah u maamulayay bixinta lacagaha. Baarista hay’addan caalamiga ah ee baartay warbixintii Qaramada Midoobay waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay leedahay hay’adihii maamulka iyo maareynta maaliyadda oo leh shuruucdii ay ku shaqeynayeen iyo nidaamkii lagu hubinayay sida ay u baxeen lacagahaas.

Hay’adda iyo kooxda garyaqaanada ee baarista sameeyay waxay raaceen nidaamka iyo habka xaqiiqa raadinta ee Qaramada Midoobay u degsan iyo nidaamka caalamiga ah ee loo maro baarista, dabagalka iyo wareysiyada. Warbixintan dhameystiran waxaa la socda talo soo jeedin ku socota dowladda Soomaaliya iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Talada Soomaaliya ay u soo jeediyeen hay’addan caalamiga ah ayaa ah in la sameeyo nidaam lagu xoojinayo kontaoolka gudaha iyo habka loo gudbiyo warbixinnada maaliyadda iyo dhuujinta nidaamka maamulka maaliyadda.

Dhanka Golaha Amniga waxaa lagula taliyay inay dib u eegis ku sameeyaan warbixintoodii soo baxday 13-kii July ee sannadkan, gaar ahaan qeybta Annexe 5.2 iyo inay sameeyaan kontorool lagu sameynayo kooxda daba-galka. Waxaa kaloo lagula taliyey in dalalka wax laga qoro in la siiyo fursad ay ku eegaan warbixinta oo wixii ay u arkaan si qoraal ahna loogu gudbiyo lana tixgeliyo inta aan warbixinta la shaacinin.

Madaxeynuhu waxuu aqbalay tallooyinkaas loosoo jeediyay iyo warbixintan ay soo saareen hay’addan caalamiga ah. Isagoo yiri: “Soomaaliya horumar weyn bay sameysay 22-sano kaddib. Weli waxaa jira howlo badan oo u baahan in la qabto dowladeyduna waxay ku dadaali doontaa inay qabato wixii awoodeeda ah oo looga hor-tagayo musuq-maasuqa. Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay ku dhiiri-gelinayaa inay sii wadaan inay si wanaagsan oo wax-tar leh ay ula shaqeeyaan Soomaaliya.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya