4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Shirweynaha Qaran ee Geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya oo Maanta lasoo gabagabeynayo go’aamana laga soo saarayo

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho Shir-weynihii Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya iyo higsiga sannadka 2016 oo la doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Shirkan oo ka socday Muqdisho shan maalmood ayaa waxaa ka qaybgelaya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo ergooyin ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo looga dooday qodobbo dhowr ah oo ay ku jiraan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidii salka loogu dhigi lahaa doorashooyin dalka ka dhaca marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Guddiyo shan ah oo loo qaybiyay xubnaha shirk aka qaybgalaya ayaa lagu wadaa inay kasoo saaraan go’aanno, iyadoo xiritaanka shirkan ay ka qayb-geli doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Inkastoo shirkan uu ka mid yahay shirar dhowr ah oo dowladdu ay Muqdisho ku qabatay ayaa haddana waxaa kasoo horjeestay maamulka Puntland oo u tun weyn maamullada ka jira Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid aanay dani ugu jirin Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii koowaad ee shirkan hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in qorshaha dowladdu ay shirkan ka leedahay uu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho marka xilliga ay howsha dowladdu ku egtahay la gaaro.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in sidoo kale qorshayaasha ay dowladdu ka leedahay shirkan uu yahay sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidii loogu dhigi lahaa salka howlaha ay dowladdu qabanayso sannadaha soo socda.

Ergooyinka shirkan ka qaybgalaya ayaa doodo adag ka yeeshay hirigelinta nidaamka federaalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana sidoo kale doodo la mid ah kuwaas laga yeeshay sidii looga qaybqaadan lahaa dib u dhiska dalka iyo sidii ay u qabsoomi lahaayeen howlaha ay dowladdu qorsheynayso inay qabato inta xilligeeda ka harsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya