4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay weli ku raad-joogo Cumar Xamami oo Dhawaan sheegay inuu ka baxay Al-shabaab

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Mareykanka ayaa sheegay in ay weli ku raad joogaan Cumar Xamaami oo u dhashay dalka Mareykanka oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sar-sare ee Al-shabaab, balse dhawaan sheegay in uu ka baxay ka mid ahaanshihii ururkaas iyo ururweynaha Al-Qaacida.

Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu-Mansuur Al-Amriiki ayaa sheegay inuu uga baxay Al-shabaab khilaafyo soo dhexgalay isaga iyo hoggaanka guud ee ururkaas oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gacanta siinaya ee Amisom.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo aan la magacaabin ayaa sheegay inay weli baadi goobayaan macluumaadka ku saabsan Cumar Xamaami, iyadoo Mareykanku uu horay lacag u dul-dhigay madaxa hoggaamiyahan.

Al-Amriiki ayaa wareysi uu dhawaan siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ku sheegay inuu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool halkaasoo uu ku dhuumaaleysanayo, balse  ma sheegin deegaanka uu rasmi ahaan ku sugan yahay.

Horraantii sannadkan ayaa hoggaamiyahan wuxuu ka badbaaday isku day dil oo lagu khaarijin lahaa, isagoo barta uu ku leeyahay Twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya dhaawac qoorta kasii gaarey.

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Yariisow oo isaguna maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ajnabiga ka barbar-dagaalamaya Al-shabaab ay ku badbaadi karaan oo keliya inay isaga baxaan dalka.

Inj. Yariisow ayaa sheegay inaysan jirin tab kale oo ay ku badbaadin karaan, maadama uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar Abu-Zubeyr.

Saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa waxaa dhawaanahan u dhexeeyay khilaaf sababay inuu degmada Marko ka dhaco gacan-ka-hadal u dhexeeya, kaasoo lagu dilay laba sarkaal oo kooxdaas ka tirsanaa, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu sheegay inay kasoo horjeesteen amarro la siiyay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya