4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2013
Xukuumadda Somalia oo shaacisay inay Go’aan deg-deg ah ka Qaadanayso Dadka deggen Guryaha ay Dowladdu leedahay

Jimco, September 06, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inay go’aan degdeg ah ka  qaadan doonto dadka deggen guryaha dowladda, gaar ahaan kuwa dadka shacabka ah ka kireeya guryaha ay ku leedahay dowladdu magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulan degdeg ah oo arrintan looga hadlayo ay golaha wasiirradu isugu imaan doonaan maalinta Axadda ah ee soo socota.

“Waxaan arrin aad looga xumaado ah in dad ay si sharci-darro ah guryaha dowladda uga kireeyaan dad kale si ay lacag uga helaan, waxaana Golaha Wasiiraddu ay arrintaas kasoo saari doonaa go’aan degdeg ah,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in shirka golaha wasiirradu ay yeelan doonaan looga hadlayo arrintan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay la wareegayso hantida ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaase wasiirku uu sheegay in guryaha dhisan ee dowladda ay khasab tahay in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo.

“Dowladda waxaa ka go’an inay guryaheeda dib ula laabato, balse dhulalka ay daggan yihiin dadka shacabka ah ee aan xilligan loo baahnayn siyaasad cad ayaa loo dajin doonaa,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii waxaa jiray dad shacab ah oo la wareegay guryaha ay dowladdu leedahay, kuwaasoo ay qaarkood guryaha dowladda sii kireeyaan si ay lacag uga helaan.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole dhulka dowladda looga saarayey dadka degen, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay ka laabteen go’aankaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid khaldan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya