4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale Maanta kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway iyo danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Britain.

Xasan Sheekh ayaa kulankii uu la qaatay guddoomiyaha Machadka Nabadda Mareykanka, Jim Marshall waxay kaga wadahaleen sida machadkaasi uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha ammaanka iyo nabadgalyada. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay amni iyo nabad.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway, Jens Mjuagedal waxay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Soomaaliya, shirka Brussels iyo kaalmada uu dalka Norway siiyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxuu sidoo kale maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Ingiriiska, Neil Wiggan kaasoo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, daba-galka howlaha muhiimka ah ee UK ay kawaddo Soomaaliya oo ay ku saacidayso shacabka, shirka Brussels iyo arrimo kale.

Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya