4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka, sheegayna in la badbaadinayo Xawaaladaha Dalka (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Shirkii ee golaha wasiirada ee maanta oo ay shir-gudoominaysay ku simaha ra'iisal wasaaraha ahna wasiirada arrimaha dibadda iyo Somalia, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta asnixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Golaha wasiirrada ayaa kal-fadhigan kaga hadlay arrimaha xawaaladaha, amniga, burcad-badeeda iyo xaaladda hantida Qaranka, sida guryaha dowladda oo ay isku raaceen inay loo baahan yahay in dowladdu ay siyaasad cad ka yeelato.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Cilmooge Xirsi oo saxaafadda la hadlay kaddib shirkii golaha ayaa soo dhaweeyay ansixinta xeerka isgaarsiinta Qaranka. Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in goluhu aad uga xun yahay go’aanka uu Barclays Bank ku joojinayo adeeggii uu u samayn jiray xawaaldaha Soomaalida.

Golaha ayaa go’aanka baanka ku tilmaamay mid abuuraya xaalad adag oo bani’aadanimada oo aad u adag. Waxaana goluhu isku raacay in dowladda dadaal xoogan u gasho bad-baadinta nidaamka xawaaladdaha dalka.

“Waxaan aad uga xunnahay go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo xiriirkii shaqadii uu u hayay xawaaladaha Soomaalida, waana arrin saamaynaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan. Dadaal siyaasadeed ayaan ugu jirnaa sidaan ku bad-baadin lahayn nidaamka xawaaladaha dalka,” ayay tiri Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dib loogu hagaajinayo dhaqaalaha dalka sannadaha 2014-2015. Qorshahan ayaa wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleemaan ku tilmaamay qorshe ku wajahan yahay abuurida jawi hagaagsan oo dhinaca wax-soo saarka  dalka ah, uuna soo noolaynayo dhaqaalaha isagoo dajinaya qaab-hogaamineed la xiriira horumarinta dalka.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa golaha siiyay warbixin dhanka ammaanka ah. Wasiirka ayaa xaaladda amniga ku tilmaamay mid kasoo raynaysa. Waxaana uu ka warbixiyay booqashadii toddobaadkan uu madaxweynuhu ku tagay Marka oo uu ku tilmaamay mid natiijo aad u wanaagsan u soo hoysay dawladda iyo shacbiga deegaankaas ku nool.

Ugu dambeyn, goluhu waxay warbixin ka dhagaysteen guddoomiyaha hay'adda la-dagaalanka burcad-badeedda, Muxiyadiin Cali Yusuf oo golaha u sheegay in gabi ahaanba falalkii burcad-badeeddu aad hoos ugu dheceen. Waxaana uu hoos u dhacaas u tiiriyay dadaalka ay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed u galeen ka hortaga burcad-badeedda.

"Muddo sanad iyo dhawr bilood ah ma jiraan maraakiib lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, waa horumar weyn. Waxaadse mooddaa in mashruucii burcad-badeeddu noqday barnaamij shirkado iyo dalal badani aad uga faa'iideen; laakiin Soomaaliya ku dulman tahay," ayuu Muxiyadiin ku yiri warka uu siinayay golaha wasiirrada, isagoo intaas ku daray inay laga maar-maan tahay in wax laga qabto kalluumaysiga sharci-darrada ah ee saldhigga u ah mushkillada burcad-badeedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya