4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Hay'adda DBG oo gargaar kala duwan Maanta u qaybisay 500 oo qoys oo ku nool duleedka Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Hay’adda DBG ayaa maanta qalab kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Qalabkaas oo ku kala jira shan boqol oo bundadood oo kiiba ay ku jiraan alaabo kala duwan.

Gargaarkan ayaa wuxuu ka koobnaa: sedex saxan, afar baaquli, mid shay oo kala ah: midi, qaado weyn, bac, jirigaan 20-liitarle ah, beeshin, laba digsi, maro kaneeco, laba buste, lix hoos gashi oo nooca dumarka ah, sagaal hoos gashi oo dumarku ay u isticmaalaan nadaafadda, saddex shaash, saddex gorgorad, saddex  garbo-saar, saddex dirac, saddex baako omo, saddex saabuun maris iyo saddex Sali.

Isku-geynta buundadiiba waxaa ku jira 53-shey oo qoys walba la siiyay, mashruuca oo ay maal-gelisay wasaaradda dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Jarmalka, waxaana loogu talo-galay inay ka faa’iideystaan 1,778 qoys oo 500 oo ka mid ah maanta la siiyay, waxaa kaloo mashruuca ka mid ah 350 musqulood oo dhismahoodii qaar ka mid ah la dhameystiray kana socda dhismahooda kaamam ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Deeqdaas waxay ku wareejiyay 500 oo qoys, agaasimaha hay’adda DBG Cumar Colaad Axmed iyo Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah guddiga sare ee maamulka hay’adda DBG iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda, iyadoo dadkii loo qaybiyay deeqdaas ay u mahad celiyeen hay’adda DBG iyo  hay’adihii kale ee soo dhiibay deeqdaas.

Ma ahan markii ugu horreysay ee hay’adda DBG lasoo wakiishay inay bixiso deeqdan kala duwan, iyadoo mas’uuliyiinta hay’addu ay sheegeen inay sii wadayaan qaybinta deeqaha noocaan oo kale ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya