4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Weerarro Qaraxyo ah oo xalay Muqdisho hareeyay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo eedeeyay Xukuumadda

Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Qaraxyo isugu jira bambooyin iyo hoobiyeyaal ayaa xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mid ka mid ah uu ku dhintay ruux doonayay inuu miino ku aaso deegaanka Kaaso-bololaare ee degmada Hodan.

Weerarradan ayaa waxay ahaayeen kuwo is-xig-xigay oo ka dhacay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ku jiray weerarro hoobiye ah oo laga tuuray degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin weerarradaas halka laga soo abaabulay, iyadoo Al-shabaab ay dhankeeda sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xalay ay maqleen qaraxyo isugu jira bam iyo hoobiyeyaal lala beegsaday goobo kala duwan oo ka tirsan Muqdisho, iyadoo ay jiraan dad rayid ah oo ku dhaawacmay weerarradaas.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay weerarradan ayaa sheegay inay caddeynayaan in dowladdu ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato ammaanka gobolka Banaadir.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaan iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu bishii hore dhaammaadkeeda ku dhawaaqay guddiga amniga Qaranka oo uu isagu madax u yahay, guddigaasoo uu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay la liic-liicaysay qaraxyo iyo weerarro joogto ah oo ay geysanayaan Al-shabaab, iyadoo laga saaray Al-shabaab Muqdisho laba sano ka hor.

Digniin uu maalin ka hor soo saaray xogayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in laga digtoonaado in Soomaaliya ay dib ugu laabtao halkii ay ka timid, lana taageero ciidamada AMISOM si ay cirka uga weeraraan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya