4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2013
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Odayaasha Maraykanka oo ogolaaday Weerar lagu qaado Suuriya

Khamiis, September 5, 2013 (HOL)- Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Odayaasha ee dalka Maraykanka (U.S. Senate),  ayaa kulan ay shalay yeesheen cod ugu qaaday dalab uu horay ugu soo gudbiyey Madaxweyne Obama oo ahaa in tallaabo militari laga qaado maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya, kaddib markii lagu eedeeyey adeegsiga hubka kiimikada ee isticmaalkiisu uu mamnuuca yahay.

Guddiga oo cod u qaaday arrintan, ayaa kumeel mariyey aqlabiyad ay tiradeedu tahay 10 xubnood oo oggolaatay iyo 7 kale oo ka aamustay. Qaraarkan oo qabyo ah, ayaa dhigaya in la xaddido awoodda militeri ee loo adeegsanayo Suuriya; in aysan ka qayb qaadan ciidamada lugta ee Maraykanka iyo in muddada howl-galku aysan ka badan 90-maalmood.

Golaha Odayaasha Maraykna oo ka kooban 100-xubnood ayaa lagu wadaa in si dhameystiran toddobaadka soo socda ay arrintan cod ugu qaadaan. Horay waxaa u sheegy in weerar lagu qaado Suuriya ay taageerayaan 21-senetor; halka 13 ay sheegeen in ay kasoo hor-jeedsan doonaan; 66-da kalena aysan weli ka hadlin mowqifkooda arrintaas ku aadan.

Dhinaca kale, Ruushka oo ay xulufo yihiin Maamulka Suuriya ayaa si adag uga soo hor-jeestey weerar xilligan dalkaas lagu qaado, isagoo sheegay in ay sharci darro tahay in Suuriya lagu duulo iyadoo aan cadeymo sugan loo hayn eedeynta ah in ciidamada dalkaasi ay adeegsadeen hubka kiimikada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo shalay kulan degdeg ah isugu yeeray xubnaha guddiga ammaanka qaranka ee dalkaas, ayaa sheegay in ay khalad tahay in Koongareeska Maraykanku ay meel mariyaan dalabka Obama ee ah in tallaabo militeri laga qaado maamulka Asad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan sharci ahayn in Suuriya la weeraro iyadoo aan ogolaansho rasmi ah laga haysan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Dalka Suuriya waxaa muddo labo sano iyo bar ku dhow, ka soconaya dagaallo uu dhiig badni ku daatay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan boqol kun oo qof.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland