4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Wasiiradda Horumarka & Xiriirka Caalamiga ee Dalka Sweden (SAWIRRO)


Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamud ayaa kulan Muqdisho kula qaatay wasiiradda Horumarka iyo Xiriirka Caalamiga ee dalka Sweden Gunilla Carlsson Arbacada maanta iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal, shirka Brussels ka dhacaya 16-ka September, arrimaha qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dalka Sweden iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Waxaa kulankan ku wehliyey Ku Simaha R’aiisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha. Dhanka kale Wasiiradda waxaa ku wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa Wasiiradda Swedan uga mahadceliyey imaatinkeeda Muqdisho iyo sida ay dowladda Sweden u garab taagan tahay Soomaaliya iyo weliba Soomaalida qurbojoogta ku ah Sweden.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa Wasiiradda siiyey warbixin kooban oo la xiriirta xaaladda dalka iyo qorsheyaasha dowladda ay hiigsaneyso 2016 iyo shirka Brussels. Madaxweynaha ayaa sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu hanweynyihiin shirka Brussels inuu noqdo mid caalamku ay ku midoobaan sidii dalka Soomaaliya dib-u-dhis xoogan loogu sameyn lahaa. Isla markaana uu ka codsaday Sweden inay kaalin fiican ka qaataan shirkaas.

Wasiiradda Sweden ayaa sheegtay in Dowladda Sweden ay ka go’antahay saacidaada Soomaaliya oo ay tiri waxaan rabnaa inaan noqono laba dal oo ka wada shaqeeya sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen amni waara iyo horumar. Wasiiradda ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay sida uu dumarka u siiyey jagooyin siyaasadeed oo lagu faani karo. Wasiiraddu waxey caddeysey inay ka soo qeybgaleyso shirka Brussels isla markaana ay Dowladda Sweden ka mid noqon doonto waddamada yabooha sameynaya oo taageeraya dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wasiiradda oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa labadaba ku sheegeen sida Soomaaliya iyo Sweden ay uga go’antahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka, nabadeynta iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay qorshihii lala hortagi lahaa Brussels ee dalka dib loogu dhisi lahaa kana codsaday Sweden iyo caalamka inay qorshahaas meel marintiisa nagula garab galaan si dalka Soomaaliya uu horumarka bilowday u sii joogteeyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waaxaa wuxuu markab dagaal oo xeebta Muqdisho yaalla kula kumay wafdi ka tirsan Midowga Yurub isagoo kala hadlay shirka dalka Belgium lagu qaban doono bishan 16-keeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya