4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Xarunta Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo lagu Qabtay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Arday cusub (SAWIRRO)


Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay kun arday oo sannadkan ka mid noqonaysa ardayda jaamacadda, kaddib markii ay is-diiwaan-geliyeen.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa ahayd mid si ardayda cusub macluumaad laga siiyo hannaanka ay ku shaqeyso jaamacadda SIMAD, si ardaydu ula socdaan sharciyada iyo qaab waxbarasho ee jaamacadda.

Ku-simaha guddoomiyaha ku xigeenka dhinaca waxbarashada ee SIMAD, Ibraahim Maxamuud Xaamud oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ardayda cusub ee kusoo biirtay jaamacadda, wuxuuna xusay in jaamacaddu ay aad u soo dhaweyneyso ardaydan oo kasoo baxay dugsiyada sare ee ku yaalla dalka, isagoo tilmaamay in sanadkaan ay jaamacaddu diiwaan-gelisay arday aad u badan oo doortay in jaamacadda SIMAD ay wax-ka-bartaan.

Sidoo kale, waxaa xafadda ka hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee dhinaca hormarinta, Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in jaamacaddu ay u taagan tahay daboolidda bahida waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, isagoo xusay in jaamacaddu soo kordhisay kuliyadaha sharciga (Law), waxbarashada (Education), qorsheynta iyo tirakoobka, (Statistics and Planning) bangiyada iyo maaliyadda (Banking and Finance).

Gabagabadii xafladda waxaa ka hadlay ku-simaha guddoomiyaha jaamacada SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ardayda cusub dhiirri-galiyay ayaa u sheegay in looga bahan yahay dulqaad si ay uga dhabeeyaan hadafkooda waxbarasho, wuxuuna dardaaran u jeediyay ardayda cusub ee diyaarka u ah inay ka miro-dhaliyaan hadafkooda ku aaddan waxbarashadooda heerka jaamacadeed.

Xafaladda ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiinta jaamacadda, arday, waalidiin iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya