4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka Sweden


Arbaco, September 4, 2013(HOL)—Madaxweynaha  Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waxayna booqashadiisan tahay mid heer  sare ah.

 

Madaxweyne Obama  ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo booqda Sweden, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt uu ku tilmaamay booqashada Obama mid taariikhi ah.

 

Madaxweyne  Obama ayaa saaka barqadii soo gaaray Sweden, waxaana garoonka diyaaradaha Arlanda ee magaalada Stockholm ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Sweden, kuwaasi oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden  Carl Bilt.

 

Hadal kooban oo ay saxaafadda u jeediyeen Obama iyo Reinfelt ayaa waxay ku soo dhaweeyeen booqashada heerka sare ah ee ay labada dowladood isdhaafsanayaan. Ra’iisal Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo hadalka ku horreeyayay ayaa Madaxweyne Obama ku soo dhaweeyay Sweden, wuxuuna intaas ku daray in Sweden iyo Mareykanka ay ka dhaxeeyaan xiriirro dhinacyo kala duwan leh.

 

Fredrik Reinfeldt wuxuu sheegay in dabayaaqadii qarnigii 19aad ay Mareykanka tageen dad badan oo Swedish ah, kuwaasi oo muddo dheer  ku nool Mareykanka, saameynna ku leh dalka Mareykanka. Wuxuu rajeeyay Fredrik Reinfeldt in xiriirka labada dal uu sii hagaagsanaado, ayna mareykanka maalgashi ku sameysan doonaan Sweden sida ay Sweden maalgashi uga sameysay mareykanka oo kale.

 


Madaxweyne Obama oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Sweden, wuxuuna ku kaftamay in uu si aad ah uga helay cimillada iyo quruxda Sweden. "Aniga iyo familkeyga ayaa mar kale ku soo noqon doonna Sweden" ayuu yiri Madaxweyne Obama oo sheegay in dalka Mareykanka ay ku nool yihiin dad badan oo asalkooda Swedish ah, kuwaasi oo uu xusay in ay qeyb muhiim ah kaga jiraan dadka mareykanka ah ee asalkooda dalal kale ka soo jeeda.

 

 Madaxweynaha Mareykanka oo maanta iyo berri ku sugnaan doona Dalka Sweden ayaa intii uu socday shirka jaraa’id waxaa lagu weydiiyay su’aal ku saabsaneyn sida ay isu qaban karto in la guddoonsiiyay abaal-marin uu nabadda ku qaatay iyo in dowladdiisa ay damacsan tahay in uu weerar ku qaado dalka Syria ayaa wuxuu su’aashaas uga jawaabay in ay nabadda aaminsan yihiin, hayeeshee ay diidan yihiin in ay fiirsadaan in caruur iyo dad aan waxba galabsan lagu weeraro hub kiimiko ah.

 

Madaxweyne Obama ayaa booqashadiisa Sweden waxay timid kaddib markii uu baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa dalka Ruushka, waxaana taasi ugu wacan iyadoo uu madmadow soo kala dhexgalay xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

 

Dhnka kalena, Magaalada Stockholm  ee dalka Sweden oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Obama ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan weerarka ay dooneyso in ay ku qaaddo dalka Syria.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]