4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Guddoomiyaha Degmada Baladweyne oo ka Warbixiyay Qorshe dadka lagu tirakoobyo iyo Xaaladda Ammaan ee Degmadaas

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Cabdi Bishaar Aadan (Roha) ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha tirkoobka shacabka ku dhaqan xaafadaha magaalada iyo nidaamka deriseynta, isaga oo dhinaca kalana ka warbixiyay xaalada amniga ee degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha ku howlan tirkoobka shacabka ku dhaqan xaafadaha magaalada ay howlahoodu meel wanaagsan u marayaan, islamarkaana dhawaan la soo bandhigi doono  tirkoob sax ah oo ku saleysan qorshaha uu maamulka degmada u dajiyay in loo maro helista xog ku saabsan tirada guud ee dadka ku dhaqan xaafadda magaalada.

''qorshaha lagu tirakoobayo dadka ku dhaqan xaafadaha magaalada waa qeyb ka mid ah qorshaha maamulka degmadu u dajiyay wax ka qabashada nabad-galyada, si loo ogaado cid kasta oo kusoo korartay magaalada, madaama la ogyahay ama la hayo tirada saxda ah ee qoys walba,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in qorshahani uu yahay mid u faa'iideynaya bulshada gaar ahaan marka la eego wax ka qabashada caafimaadka, waxbarasho la'aanta, iyo ilaalinta nadaafadda oo wax weyn dhamantood ka taraya nolasha shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayay ammniga waxaa uu sheegay in nabad-galyada magaaladu ay xiligan tahay mid leysku  haleyn karo, islamarkaana marar badan ay booqasho kala duwan ku soo gaareen wafuud heer caalami ah oo sida uu sheegay ay ugu danbeeyeen wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowgga Afrika.

Guddoomiyaha degmada waxaa uu sheegay in wafdigii dhawaan soo gaaray magaalada ee ka socday QM iyo Midowgga Africa faahfaahin dheeraad ah ka siiyeen arrimaha ammaanka iyo nolasha bulshada, una gudbiyeen xogta dhabta ah ee ka jirta degmada, si markaa ay ugu darsadaan qorshahooda wax qabad.

“Nabad-galyadu xilligan waa mid leysku haleyn karo, mana aqbali doono maamulka cid kasta ammniga qal qal ku ah, ciidamadana waxaa amar ku siinay in ay si dhab ah uga howlgalaan ka hortagista wax kasta oo ay u arkaan in ay qal qal ku keeni karaan nabad-galyada,'' ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ugu danbeyntii waxaa uu guddoomiyaha degmada Beledweyn sheegay in marka uu dhamaado qorshaha tirkoobka ee hadda socda, maamulka degmadu uu bilaabi doono sidii leysugu xiri lahaa xaafaddaha ammnigana looga wada shaqeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya