4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Al-Islaax oo War-saxaafadeed ay Maanta soo saartay ku beenisay in ay ku biirtay garabkii horay uga go'ay ee Dam-jadiid


Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — War-saxaafadeed ay Xarkada Al-Islaax ee Soomaaliya soo saartay maanta oo Arbaco ah ayay ku beenisay inay ku biirtay garab horay uga go’ay oo lagu magacaabo Dam-jadiid, kaas oo dhawaan warbixin uu soo saaray sidaas ku sheegay.

Al-Islaax ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ururkeeda uu ka shaqeeyo diinta Islaamka iyo sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo leh dowlad hufan, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da iyo akhlaaqda Islaamka.

“Waxaan caddeynaynaa inaysan jirin in ururka Islaax iyo kooxda Dam-jadiid ay midoobeen, balse xubno Islaax ka tirsanaan jiray oo Sheekh Maxamed Gar-yare uu horkacayo ayaa ururka islaax ka tagay oo Dam-jadiid ku biiray,” ayay Al-Islaax ku yiraahdeen qoraalkooda.

Waxaa kale oo xusid mudan in kooxda Dam-jadiid ay ka samaysmeen xubno ururka ka mid ahaa oo la qabsan waayay ururka iyo hannaanka shaqadiisa, kuwaasoo isaga tagay ururka Islaax, kaddibna sannadkii 2006-dii ku biiray maxkamadihii  Islaamiga ahaa.

“Xarakadu waxay higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaallada, iyadoo laga hortagayo sababaha keeni kara dagaaladaas,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka Islaax.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in Al-Islaax ay leedahay xeer iyo nidaaam haga howlihiisa iyo hoggaankiisa. Nidaamka ururkuna qeexayo in hoggaanka ururka la doorto shantii sanaba mar. 

“Dalka Somalia wuxuu soo maray marxlado kala duwan oo xasaasi ah; oo ay tahay siidii uu u taabo-gelin lahaa hannaankiisa dowladeed. Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in marxaladan looga gudbo midnimo iyo wadajir,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Al-Islaax oo uu ku saxiixnaa af-hayeenka kooxda Sheekh Axmed Xasan Al-Qudubi..

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waxyaabaha ay ay Islaax ku howlan tahay xilligan ay ka mid yihiin:

1. Faafiinta diinta Islaamka iyo barashadeeda oo ku salaysan fahanka dhex-dhexaadka ah.
2. Xoojinta hawlaha samafalka iyo taakulaynta bulshada Soomaaliyeed.
3. Xoojinta hawlaha waxbarashada iyo baahinteeda.
4. In Islaax kaalin mug leh ka qaadato hawlaha siyaasadda iyo taabbo-gelinta dawladnimada Soomaaliya, waxayna dhiirri-gelinaysaa sidii loogu gudbi lahaa hirgelinta hanaanka axsaabta badan, oo saldhig u noqonaya siyaasadda Soomaaliya.
5. Xoojinta kaalinta bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan ay ku leeyihiin horumarinta arrimaha bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa qoraalka lagu sheegay in ururka islaax uu ku baaqayo in laga wada-shaqeeyo xoojinta deggenaashaha Soomaaliya, iyo dhiirri-gelinta mabaadi’da daris-wanaagga laguna dhammeeyo khilaafaadka siyaasadeed ee maamul goboleedyada wadahadal iyo istix-gelin iyo walaaltinimo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya