4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Somaliland oo shaacisay in xiriirro dhinaca duullimaadka ah ay la sameysay Shirkado Caalami ah


Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Tan iyo markii dib loo furay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hareysa ayaa waxaa socday dadaallo uu maamulka Somaliland ugu jiro sidii garoonkaas ay ugu soo degi lahaayeen diyaaradaha ka yimaada dalalka Afrika iyo Aasiya qaarkood.

Somaliland oo 22-sano kahor ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa sheegtay in dhawaan ay filayso in duulimaadyo aan horay u imaan Soomaaliya ay kusoo dagaan garoommadeeda Hargeysa iyo Berbera.

Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in diyaarad nooceedu yahay B737 ay ku tegi doonto duulimaadyo garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taasoo si toos ah uga soo duulaysa magaalada Addis Ababa, kaddib markii waddada ay ku cararaan diyaaradaha Hargeysa laga dhigay dhirirkeeda 2.4-km, halkii ay markii hore ka ahayd 1.6-km.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Somaliland Axmed Dalal Faarax, ayaa sheegay in shirkadda Kenyan Airways ay dhawaan billaabi doonto duullimaad cusub oo ah Nairobi illaa Hargeysa, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo shirkaddan ay ku sameyso Soomaaliya oo dhan.

“Kenya Airlines waxay waddaa qorshe ay ku furayso duulimaadyo toos ah oo noqonaya Hargeysa iyo Nariobi ah. Waxaana tani ay imaanaysaa laba toddobaad kaddib markii garoonka dib loo furay. Waxanna rajeynaynaa in KLM oo xiriir uu kala dhexeeyo Kenya Airlines ay Somaliland u noqonayso fursad weyn,” ayuu wasiirku ku sheegay hadalkiisa.

“Waxaanu ku kalsoonnahay in garoonka Cigaal uu ka gudbay xiligii hore sidii uu ahaa, waxaana hadda kusoo daga diyaaradda Ethiopian Airlines,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qorshaha ay ugu jirto inay garoonka ku yimaadaan duulimaadyo diyaaradaha Yemen Airways iyo South African Airways, kuwaasoo qayb ka ah diyaaradaha caalamiga ah ee dhawaanahan ka billaabay Hargeysa duulimaadyada caalmiga ah.

Duulimaadyada shirkadaha Air Arabia, Yemen Airways iyo South African Airways ayuu sheegay wasiirku inay yihiin kuwo isku xira dalalka galbeedka Afrika, bariga fog iyo dalalka Afrika iyo Aasiya, ayna yihiin kuwo fududeynaya waddadii ay soo mari lahaayeen dadka doonaya inay Somaliland yimaadaan. 

Heshiisyada ku saabsan duulimaadyada ay diyaaradahan caalamiga ahi ku tagayaan Somaliland ayaa la sheegay inuu xoojiyay heshiiskii dhinaca hawada ahaa ee ay Somaliland la gashay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya